HomeWararSacuudiga iyo Imaaraadka oo u yeeray Safiiradooda Lubnaan

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo u yeeray Safiiradooda Lubnaan

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa Arbacadii u yeeray safiirada Lubnaan u jooga dalalkaas kadib hadal uu wasiirka warfaafinta dalkaas George Kordahi ku cambaareeyey howlgalka militari ee Riyadh ay hogaamineyso ee ka dhanka ah mucaaradka Yemen. Kordahi ayaa wareysi uu bixiyey Isniintii ku sheegay in Xuutiyiinta ay Iran taageerto “ay naftooda ka difaacayaan gardarro uga timid […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa Arbacadii u yeeray safiirada Lubnaan u jooga dalalkaas kadib hadal uu wasiirka warfaafinta dalkaas George Kordahi ku cambaareeyey howlgalka militari ee Riyadh ay hogaamineyso ee ka dhanka ah mucaaradka Yemen.

Kordahi ayaa wareysi uu bixiyey Isniintii ku sheegay in Xuutiyiinta ay Iran taageerto “ay naftooda ka difaacayaan gardarro uga timid dibedda,” isaga oo intaas ku daray in ay xulufada Sacuudiga ay duqeeyaan “guryo, xaafado, tacsiyo iyo xaflado aroos.”

- Advertisement -

Waxa uu sidoo kale dagaalka Yemen ee socda toddobada sano ugu yeeray “macno darro”, isaga oo sheegay “in la joogo waqtigii la dhammeyn lahaa.”

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay safiirka Lubnaan u dhiibtay qoraal ay uga ashtakooneyso hadallada “gefka ah” ee Kordahi.

Waxa ay sidoo kale inay ka xun tahay muujisay hadallada “aflagaadada ah,” ayada oo sheegtay inay ahaayeen “kuwa si cad ugu janjeera dhanka kooxda argagixisada ah ee Xuutiyiinta ee halista ku ah xasilloonida iyo amniga gobolka.”

- Advertisement -

Waxyar kadib ayaa Imaaraadka Carabta oo xubin ka ah isbaheysiga Sacuudiga ee Yemen waxay cambaareysay hadalka Kordahi, ayada oo sheegtay inay u yeertay safiirka Lubnaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts