Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa si adeg uga hadlay dadkii Somaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kuwaasi oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool.
War-saxafaadeed kasoo baxay Midowga ayaa waxaa lagu sheegay inay aad xun yihiin dadka laga soo masaafuriyey Somaliland, iyagoona falkaas ku tilmaamay mid xadgudub ah oo lagula kacay dad Soomaaliyeed oo isugu jiray Carruur, haween, dhalinyaro iyo Odayaal.
Golaha ayaa sheegay inay kasoo horjeedan in fal dambiyeed ay dad kooban geysteen loo bartilmaameedsado Bulsho idil, isla markaana falkaas uu meel ku dhac ku yahay Islaanimada iyo Soomaalinimada.
Sidoo kale Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay culimada, odayada dhaqanka, aqoonyahanka, indheergaradka iyo waxgaradka ka soo jeeda Somaliland in ay hor istaagaan falkaa gurracan ee dhaawacaya walaalnimada, iyo ummadnimada ka dhaxaysa dadka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dowlad Goboleedka Puntland uga mahadceliyay Mas’uuliyiinta iyo shacabka isku xilqaamay inay gargaar u fidiyaan dadka Soomaaliyeed ee loo barakiciyey.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.