HomeWararDoorashada xubnaha Aqalka sare ee Hirshabeelle oo maanta lasoo gababaynayo

Doorashada xubnaha Aqalka sare ee Hirshabeelle oo maanta lasoo gababaynayo

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Waxaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle lagu dooran doonaa labadi kursi ee ugu dambesay doorashada Aqalka Sare maamulkaasi, iyadoo ay ku tartami doonaan Musharixiin dhowr ah oo u taagan in ay ku guuleystaan Labadaasi kursi ee Maanta loo madalsan yahay. Magaalada ayaa waxaa laga dareemaya qaban qaabadada iyo diyaar garowga doorashada, waxaana sidoo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle lagu dooran doonaa labadi kursi ee ugu dambesay doorashada Aqalka Sare maamulkaasi, iyadoo ay ku tartami doonaan Musharixiin dhowr ah oo u taagan in ay ku guuleystaan Labadaasi kursi ee Maanta loo madalsan yahay.

Magaalada ayaa waxaa laga dareemaya qaban qaabadada iyo diyaar garowga doorashada, waxaana sidoo kale ku sugan xubno ka socda Guddiyada doorashooyinka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirsahbeelle,kuwaasi oo goobjoog ka noqon doona sida doorashada kuraastaasi u dhici doonto.

- Advertisement -

Kursi ka mid ah labada kursi ee manta la dooranayo ayaa waxa tartankiisa horay iskaga hareen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Hirshabelle Abukar Maqaneey iyo Maxamed Kulmiye, Waxaana la filayaa in ay ku tartamaan Zamzam Cabdullahi iyo Naciimo Ibrahim.

Sidoo kale Kursiga kale ee lagu dooranayo Jowhar waxaa ku tartami doona Seddex Musharax oo kala ah: Cabdulqadir Xanafi, Cabdalle Cabdi Xuseen iyo Cali Shacbaan.

Horay Magaalada Jowhar ee Xarunta maamulkaasi waxaa loogu doortay inta badan Kuraasta Aqalka sare ee Maamulka Hirshabeelle, iyadoo kaliya ay ka hareen labadaaasi kursi ee manta la filayo in la dhammeystiro, waxaana horay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu Maammul Goboleedyada ugu baaqay in ay soo dhammeystiraan kuraasta aqalka sare e ku harsan,si loo guda galo doorashada Golaha shacabka ama aqalka hoose.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts