HomeWararFarmaajo oo u amba-baxay dalka  Itoobiya iyo ujeedka socdaalkiisa

Farmaajo oo u amba-baxay dalka  Itoobiya iyo ujeedka socdaalkiisa

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxweynaha Mudda xileedkiisu dhammaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u amba-baxay dalka Itoobiya. Madaxweynaha ayaa ka qayb galaya Caleema saarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,kaasi oo ay Caleema saarkiisa qayb ka yihiin wufuud iyo madax ka socota dalalka Africa. Qoraal kasoo baxay Madaxtoyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in  Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Mudda xileedkiisu dhammaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u amba-baxay dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa ka qayb galaya Caleema saarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,kaasi oo ay Caleema saarkiisa qayb ka yihiin wufuud iyo madax ka socota dalalka Africa.

- Advertisement -

Qoraal kasoo baxay Madaxtoyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in  Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo goordhaweyd u Safreen magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa hadda u safray magaalada Addis Ababa oo ay uga qeyb geli doonaan xafladda dhismaha Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Itoobiya” ayaa lagu yiri Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Farmaajo ayaa xariir dhaw waxaa uu la leeyahay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed,waxaana horay uu socdaal ugu tagay dalkaasi Itoobiya.

Latest stories