HomeWararFarmaajo oo War kasoo saaray Qaraxii Maanta ka dhacay agagaarka Madaxtooyada

Farmaajo oo War kasoo saaray Qaraxii Maanta ka dhacay agagaarka Madaxtooyada

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf-waayay Qaraxii Maanta ka dhacay Barta Koontarool ee laga ilaaliyo Madaxtooyada ee Isgoyska Geelgaabta ee Muqdisho. Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogteynta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf-waayay Qaraxii Maanta ka dhacay Barta Koontarool ee laga ilaaliyo Madaxtooyada ee Isgoyska Geelgaabta ee Muqdisho.

Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogteynta la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga guuleysto falalka amni darro ee xiliyada qaarkood ka dhacay Muqdisho ee lagu dhibaateeyo shacabka

- Advertisement -

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisadu ay maanta ku xasuuqday shacabka birimagaydada ah waxa uu muujinayaa yoolkooda foosha xun iyo sida ay nolol iyo xasillooniba ugu diiddan yihiin shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey muwaadiniintii ku geeriyooday qaraxan ah in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, kuwa kale ee ay dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

Ugu yaraan 8 ruux oo isugu jiray Askar iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyooday, halka 9 kalena waxaa ay ku dhaawacmeen qaraxii Is-miidaaminta ahaa, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda.

- Advertisement -

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay  Isgoyska Ceel-gaabta ee Magaalada Muqdisho, iyagoona tilmaamay inay la beegsadeen Gaadiid ay la socdeen Mas’uuliyiin ku socotay Xarunta Madaxtooyada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts