HomeWararWasaaradda Ganacsiga Somalia oo War kasoo saartay Website-kii laga jabsaday

Wasaaradda Ganacsiga Somalia oo War kasoo saartay Website-kii laga jabsaday

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa ka hadashay Website-kii Wasaaradda oo xalay burcad Internet ay jabsadeen, kadibna hawada laga saaray. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaaradda ay dib u soo celisay Mareegta (Website-ka) Wasaaradda www.moci.gov.so oo muddo saacado ah hawada ka maqnaa, kadib markii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa ka hadashay Website-kii Wasaaradda oo xalay burcad Internet ay jabsadeen, kadibna hawada laga saaray.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaaradda ay dib u soo celisay Mareegta (Website-ka) Wasaaradda www.moci.gov.so oo muddo saacado ah hawada ka maqnaa, kadib markii la jabsaday.

- Advertisement -

Wasaaradda Ganacsiga ayaa u mahadcelisay howlwadeenada Wasaaradda iyo Injineerada Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Xukuumadda oo Wasaaradda sheegtay inay kaalin ka qaateen dib u soo celinta Website-kooda.

Sidoo kale Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ka raali gelisay muddadii saacadaha aheyd ee uu hawada ka maqnaa Website-ka Wasaaradda Ganacsiga ee www.moci.gov.so

Markii la furo Website-kii Wasaaradda ayaa waxaa kusoo baxayay fariimo muujinaya in la jabsaday, iyadoona koox aan la aqoonin ay fariimo iyo Sawirro saareen wejiga hore ee Ciwaanka, waxaana farriimaha ay muujinayeen in la joojiyay shaqada Webka.

- Advertisement -

Wasaaraddaha dowladda ayaan laheyn Sever dowladeed oo xogtooda taallo, iyagoona ku xiran kuwo Ganacsi ahaan loo soo iibsado, waxaana aad u yar farsamada looga difaaci karo weerarada uga yimaada dhinaca Internet-ka.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts