HomeWararAkhriso:-Maxaa iska bedelay waan-waantii laga dhex waday Farmaajo iyo RW Rooble?

Akhriso:-Maxaa iska bedelay waan-waantii laga dhex waday Farmaajo iyo RW Rooble?

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa weli wada dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble. Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Guddoomiye Mursal oo ay wehliyaan xubno Wasiiro ayaa kulamo saacado badan qaatay la yeeshay Farmaaj iyo Rooble, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa weli wada dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Guddoomiye Mursal oo ay wehliyaan xubno Wasiiro ayaa kulamo saacado badan qaatay la yeeshay Farmaaj iyo Rooble, iyagoona ka dalbaday in khilaafka lasoo afjaro, lana dhammeeyo xiisada siyaasadeed ee taagan.

- Advertisement -

Guddiga ayaa kulankii ugu dambeeyay xalay la qaatay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla markaana kala hadlay Qodobo dhowr ah oo ku doonayaan in lagu xaliyo khilaafka labada dhinac.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Guddiga wada waan-waanta ay soo jeediyeen in kiiska Ikraan Tahliil loo daayo Maxkamadda awoodda dastuuriga u leh ee kiiska dacwadu hor yaallo, balse Farmaajo ayaa la sheegay inuu doonayo inay marka hore shaqeeyaan Guddiga uu isaga magacaabay.

Sidoo kale Guddiga ayaa soo jeediyay in Jeneraal Bashiir Gooble uu si KMG ah u sii hayo xilka hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, isla markaana Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha kasoo heshiiyaan Taliyaha rasmiga noqon doono muddo kooban.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Farmaajo uu diiday in Bashiir Gooble uu si KMG ah u sii hayo xilka NISA, wuxuuna ku adkeystay in Yaasiin Farey sii hayo xilka hey’adda.

Waxaa kaloo Guddiga soo jeediyeen in Ra’iisul Wasaare Rooble uu Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur u bedelo wasaarad kasta oo ka mid ah 25 wasaaradood, halka Farmaajo uu soo jeediyay 2 wasaaradood kaliya mid ka mid ah in loo wareejiyo C/llaahi Maxamed Nuur.

Guddiga ayaa la filayaa in waxyaabihii xalay kala soo kulmeen Farmaajo maanta la wadaagaan Rooble, iyadoo ay muuqato in wada hadaladii labadii cisho ay soo wadeen in natiijo la’aan tahay oo dhinac walba uu halkiisa taagan yahay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts