HomeWararDoorashada kuraas ka tirsan Aqalka Sare oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Jowhar

Doorashada kuraas ka tirsan Aqalka Sare oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Jowhar

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa la filayaa in mar kale halkaas ay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo dooranayo deegaanada Maamulkaas. 24 Musharax ayaa ku tartamaya 5 kursi oo ka harsan kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabeelle, waxaana doorashada ay saacadaha soo socda ka bilaaban […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa la filayaa in mar kale halkaas ay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo dooranayo deegaanada Maamulkaas.

24 Musharax ayaa ku tartamaya 5 kursi oo ka harsan kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabeelle, waxaana doorashada ay saacadaha soo socda ka bilaaban doontaa Xarunta Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka.

- Advertisement -

Kursiga ugu adag ee doorashada Maanta ka dhaceysa Jowhar ayaa waxaa ku loolami saddex Musharax oo kala ah Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle, Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Raage Xasan Cismaan Xuuti.

Musharaxiinta doorashada ku tartameysa ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo siyaasadeed la yeeshay Xildhibaanada Hirshabeelle, waxaana Caasimadda Maamulka ka socda olole doorasho oo xoog leh.

Doorashadii xalay ka dhacday Jowhar ayaa waxaa kursiga koowaad ee Aqalka Sare ee Hirshabeelle ku guuleystay Muuse Suudi Yalaxow, halkan labaad loo doortay Nuur Maxamed Canjeex iyo mid saddexaad oo ay ku guuleysatay Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karaama oo Cod gacan taag lagu doortay.

- Advertisement -

Ammaanka guud ee Caasimadda Maamulka ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka Hirshabeelle iyo kuwa Booliska dowladda Federaalka ee Haramcad, iyagoona xiray inta badan waddooyinka gala Xarunta Baarlamaanka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts