HomeWararMaxay ka wada hadleen Farmaajo iyo wafdiga ka socday Qaramada Midoobey?

Maxay ka wada hadleen Farmaajo iyo wafdiga ka socday Qaramada Midoobey?

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka tirsan Qaramada Midoobey oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Marwo Aamina Jane Maxamed. Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka wadahadlay arrimaha horumarinta bulshada (SDG), xoojinta xiriirka wada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka tirsan Qaramada Midoobey oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Marwo Aamina Jane Maxamed.

Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka wadahadlay arrimaha horumarinta bulshada (SDG), xoojinta xiriirka wada shaqeyneed  ee Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, dhammeystirka doorashooyinka dalka, awoodsiinta siyaasadeed ee haweenka iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha hortebinta u leh Shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka mid ah dalal dhowr ah oo ka tirsan Gobolka oo ay socdaal ku marayso Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ku bogaadisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed horumarka ay ka xaqiijiyeen dhinacyada dib u dhiska ciidamada,  amniga, hannaanka dayn cafinta, koboca dhaqaalaha, la dagaallanka  Musuq-maasaqa iyo la tacaalidda cudurka saf mar ah ee COVID-19” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Farmaajo ayaa la wadaagay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Aamina Jane Maxamed sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo hirgelinta xeerarka aas-aaska u ah dowlad wanaagga, waxa uuna uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka waxa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta ee xilgaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Xasan Macallin Khaliif iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka Cabdi Cali Raage, dhanka kale waxaa goob-joog ka ahaa Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts