HomeWararGuddoomiyaha Gobolka Gedo ee Dowladda oo magacaabay Mas’uuliyiin cusub

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Dowladda oo magacaabay Mas’uuliyiin cusub

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Buule Garaad (Canjeex) ayaa xilka qaadis ku sameeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Doolow ee Gedo, isagoo magacaabay Mas’uuliyiin cusub. Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Axmed Buule ayaa waxaa xilkii looga qaaday Guddoomiye ku-xigeenkii degmada Doolow Deeq Cali Bishaar, waxaan xilkaas loo magacaabay Aadan Barre Cali oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Buule Garaad (Canjeex) ayaa xilka qaadis ku sameeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Doolow ee Gedo, isagoo magacaabay Mas’uuliyiin cusub.

Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Axmed Buule ayaa waxaa xilkii looga qaaday Guddoomiye ku-xigeenkii degmada Doolow Deeq Cali Bishaar, waxaan xilkaas loo magacaabay Aadan Barre Cali oo bedalaya Deeq.

- Advertisement -

Qadar Cumar Cabdulle ayuu Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda u magacaabay inuu noqdo Madaxa Arrimaha Bulshada Doolow, iyadoona xilkaas laga qaaday Ismaaciil Macalin Xidig oo ka tirsanaa Maamulka degmadaas.

Sidoo kale Madaxa xiriirka iyo Hay’addaha Doolow ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Xuseen Cabdi, kaasi oo bedelaya Cali Yuusuf Cabdullaahi oo Guddoomiye Canjeex ku sameeyay xilka qaadis.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Buule Garaad ayaa Mas’uuliyiinta cusub ee u magacaabay degmada Doolow faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista ee uu saaray Canjeex.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts