HomeWararGalmudug oo ka hadashay sababta ay Ciidamo uga dalbadeen Maamulka Puntland

Galmudug oo ka hadashay sababta ay Ciidamo uga dalbadeen Maamulka Puntland

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay Ciidamo ka tirsan Puntland oo maalmo kahor gaaray deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, kuwaasi oo la sheegay inay ku biireen Ciidanka Galmudug ee dagaalka kula jira Al-shabaab. Wasiir ku-xigeenka amniga Galmudug Cabdullaahi Cabdisalaan oo la hadlay Wakaalada Wararka Reuters ayaa u sheegay in maamulka deriska yihiin ee Puntland ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay Ciidamo ka tirsan Puntland oo maalmo kahor gaaray deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, kuwaasi oo la sheegay inay ku biireen Ciidanka Galmudug ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Wasiir ku-xigeenka amniga Galmudug Cabdullaahi Cabdisalaan oo la hadlay Wakaalada Wararka Reuters ayaa u sheegay in maamulka deriska yihiin ee Puntland ay ka dalbadeen inay Ciidamo badan usoo diraan, si qeyb uga noqdaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay in sababta Ciidanka uga dalbadeen Puntland ay tahay inay khibad u lee yihiin la dagaalanka Al-shabaab, isla markaana ay doonayaan inay ka caawiyaan sidii dhulka Shabaab ka heysato Galmudug looga saari lahaa.

“Maadaama Puntland, ay khibrad u leedahay la -dagaallanka Alshabaab, waxaan ka codsannay inay naga caawiyaan sidii aan Al -shabaab uga saari lahayn dhulka ay naga haystaan,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Amniga Galmudug oo ka hadlaayay Ciidamo ka tirsan Puntland oo wata gaadiid dagaal oo gaaray koonfurta Mudug.

Maamulka Galmudug ayaa muddooyinkii dambe dagaal adeg kula jiray Al-shabaab, waxaana dhinacyada dhexmaray dagaalo kala duwan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalena dhinacyada ay kala qabsadeen degaano dhowr ah.

- Advertisement -

Si kastaba Al-shabaab ayaa dhawaan dib ula wareegay Magaalada Camaara ee Gobolka Mudug iyo deegaano kale oo hoostega Magaaladaas oo ay ka baxeen Ciidanka Milateriga dowladda gaar ahaan qeybta 21-aad iyo kuwa Daraawiishta Galmudug.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts