Dalka Jabuuti ayaa waxaa Maanta looga dabaaldaggayaa sannad-guuradii 44 -aad ee ka soo wareegtay markii dalkaas uu xornimada ka qaatay gumeystihii Faransiiska, waxaana Jabuuti lagu qabtay Munaasabado.
Magaalada Jabuuti ayaa waxaa habeenkii xalay aheyd lagu qabtay Munaasabad aad u ballaaran oo loogu dabaaldegayey 27-ka June 1977 oo ku beegan maalinta xorriyadda Jabuuti ay qaadatay.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda iyo dadweyne kale ayaa ka qeyb Munaasabada loogu dabaaldegayey 27-ka oo ah maalintii ay ka xoreebeen gumeystihii Faransiiska.
Madaxweyihii hore Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hambalyo ku aaddan sannadguuradii 44-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalka Jabuuti u diray Dolwadda iyo shacabka Jabuuti.
“Waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan Walaalaha reer Jabuuti shacab iyo dowlad, anigoo ugu hambalyeynaya 44 sano guurada kasoo wareegtey munaasabadda maalinta xorriyadda Jabuuti oo ku beegan 27Juun 1977†ayuu yiri Shariifka.
Sheekh Shariif Sh Axmed Madaxweynihii hore ee dalka ayaa xuska sannad-guurada 44-aad ee xorriyadda u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle nabad waarta iyo horumar dhinac walba ah.