HomeWararMadaxweyne Axmed Qoorqoor oo tagay Magaalada Gaalkacyo

Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo tagay Magaalada Gaalkacyo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhinaca dhulka kaga soo ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka ayaa ku gaaray Magaalada Galkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug. Wafdiga Madaxweynaha ayaa Gaalkacyo waxaa kusoo dhaweeyay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska dowladda Federaalka General Kaniif oo Maanta halkaas gaaray iyo Mas’uuliyiin ka tirsan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhinaca dhulka kaga soo ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka ayaa ku gaaray Magaalada Galkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa Gaalkacyo waxaa kusoo dhaweeyay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska dowladda Federaalka General Kaniif oo Maanta halkaas gaaray iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada.

- Advertisement -

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ku hakaday Magaalada Cadaado oo uu kula kulmay Mas’uuliyiinta Magaalada iyo Odayaasha dhaqanka, isagoo kala hadlay xaaladda guud ee Cadaado iyo amniga.

Ujeedka Madaxweyne Qoorqoor ee Gaalkacyo ayaa waxaa uu yahay xal ka gaarista qalalaaso ka dhashay dilkii dhawaan halkaas loogu gaystay Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) oo la tilmaamay inuu ahaa Samafale.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehlinaayay Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug, iyagoona saakay ka ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts