HomeWararMagaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka oo Maanta siweyn looga Ciidayo

Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka oo Maanta siweyn looga Ciidayo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Waxaa Maanta oo khamiis ah taariikhduna tahay 13-ka bisha May 2021 siweyn looga Ciidayaa dalka Soomaaliya iyo dunida Muslimka, kadib markii shalay la dhammeystiray 30-ka bisha Ramadaan. Dadka kunool Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa siweyn u Ciidaya, waxaana dadka ay isugu hambalyeeynayaan farxada maalinta koowaad ee Ciidu Fitriga, marka laga reebo deegaanada ay maamulaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa Maanta oo khamiis ah taariikhduna tahay 13-ka bisha May 2021 siweyn looga Ciidayaa dalka Soomaaliya iyo dunida Muslimka, kadib markii shalay la dhammeystiray 30-ka bisha Ramadaan.

Dadka kunool Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa siweyn u Ciidaya, waxaana dadka ay isugu hambalyeeynayaan farxada maalinta koowaad ee Ciidu Fitriga, marka laga reebo deegaanada ay maamulaan Al-shabaab oo shalay laga Ciiday.

- Advertisement -

Waddooyinka waaweyn ee Casimadda ayaa lagu arkayaa boqolaal dad shacab ah oo isugu jira Caruur, dhalinyaro, Haween iyo Odayaal, kuwaasi oo Maanta u dabadal degaya maalinta koowaad ee Ciida.

Masaajida ku yaalla Muqdisho iyo magalooyinka maamul Goboleedyada ayaa saakay lagu tukaday saalada Ciidul Fitriga, waxaana tukashada saalada ka qeyb galay Mas’uuliyiin iyo kumanaan qof.

Dhinaca kale dalalka Caalamka ayaa Maanta oo khamiis ah ay u tahay maalinta koowaad ee Ciida, kadib markii la dhameystiray 30-ka bisha Ramadaan, waxaana jira dalal kale oo Maanta u tahay 30-ka Ramadaan, kuwaasi oo berri laga Ciidi doono.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts