HomeWararBiriq Qof ku dishay degaan ka tirsan Mudug iyo faah faahin laga...

Biriq Qof ku dishay degaan ka tirsan Mudug iyo faah faahin laga helay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wararka aan ka heleyno duleedka deegaanka Dabaqalooc ee koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee shalay halkaas Nin ku dishay Biriq roob oo ku dhacday. Ninka Biriqda dishay oo ahaa Nin reer Guuraa ah ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Bashiir Cali Aadan oo 23 jir ahaa, waxaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno duleedka deegaanka Dabaqalooc ee koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee shalay halkaas Nin ku dishay Biriq roob oo ku dhacday.

Ninka Biriqda dishay oo ahaa Nin reer Guuraa ah ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Bashiir Cali Aadan oo 23 jir ahaa, waxaana Biriqda kula  dhacday, xili uu ku sugnaa hoygiisa.

- Advertisement -

Afhayeenka Maamulka deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug ee Galmudug Abshir Daleel oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in saacadihii lasoo dhaafay Gobolka ay da’ayeen roobab xoogan, ayna Biriqda Ninkaas ku dishay deegaanka Dabaqalooc.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka inay tageen goobta uu ku geeriyooday Maxamed Bashiir Cali, isla markaana halkaas kasoo qaadeen Meydka, waxaana uu tilmaamay in khasaaro kale aysan geysan Biriqda.

Deegaano ka tirsan Gobolada dalka ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay siweyn uga da’ayay roobab xoogan oo mahiigaan ah, waxaana xusid in xiliyada qaarkood Gobolada Mudug iyo Galgaduud ay Biriq ku dhacdo oo ay geysato khasaaro, xiliga roobka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts