HomeWararFaah faahin:-Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Baladweyne

Faah faahin:-Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Baladweyne

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wararka aan ka heleyno deegaano dhaca duleedka galbeed ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalo xoogan halkaas ay ka dhaceen shalay iyo waaberigii hore ee saakay. Dagaalada ayaa u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan, waxaana uu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Doon Maleyka oo hoostega Baladweyne, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaano dhaca duleedka galbeed ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalo xoogan halkaas ay ka dhaceen shalay iyo waaberigii hore ee saakay.

Dagaalada ayaa u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan, waxaana uu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Doon Maleyka oo hoostega Baladweyne, kaasi oo salka ku haayo arrimo la xiriira lahaanshaha dhul-beereed.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa waxaa ku warrameen in dagaal gelinkii dambe ee shalay dhacay uu ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay, waxaana mar kale dagaalka uu dib u bilowday arroornimadii hore ee saakay.

Inta la xaqiijiyay 6 ruux ayaa ku dhaaawacmay dagaaladii ka dhacay duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad, iyadoona la tilmaamay in deegaanka Maleyka ay dad ka barakaceen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Colaada ay ku baxeen Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27-aad, isla markaana doonaya inay maleeshiyaadka hubeysan kala dhex-galaan.

- Advertisement -

Si kastaba dagaalo u dhexeeyay maleeshiyo beeleedyo ayaa dhowr jeer sidaan oo kale uga dhacay duleedka Magaalada Baladweyne, kuwaasi oo salka ku haayay arrimo la xiriira dilal aano qabiil  iyo murano ka dhashay dhulal la isku qabsaday.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts