HomeWararCiidamo fuliyay howlgal lagu soo qab qabtay dad Ma-soomayaal ah

Ciidamo fuliyay howlgal lagu soo qab qabtay dad Ma-soomayaal ah

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa howlgal ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen duleedka Magaalada Garoowe kusoo qab-qabtay dad badan oo Ma soomayaal ah. Ciidanka Booliska ayaa howlgalka ka fuliyay deegaanka laacdheere ee duleedka Garoowe, isla markaana kusoo qabtay dhalinyaro isugu jiray rag iyo dumar, kuwaasi oo ahaa dad ma soomayaal ah, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa howlgal ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen duleedka Magaalada Garoowe kusoo qab-qabtay dad badan oo Ma soomayaal ah.

Ciidanka Booliska ayaa howlgalka ka fuliyay deegaanka laacdheere ee duleedka Garoowe, isla markaana kusoo qabtay dhalinyaro isugu jiray rag iyo dumar, kuwaasi oo ahaa dad ma soomayaal ah, kuna dabaalanayay biyo roobka dhigay togag ku yaalla deegaanka.

- Advertisement -

Taliye ku-xigeenka qeybta Booliiska Gobolka Nugaal Gashaanle Cismaan Maxamuud Buraale oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dadka howlgalka lagu qabtay ee isugu jiray rag iyo dumar ay ahaayeen kuwo aan sooneyn, iyagoona dabaalanaayay.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in dadkaas xiliga lasoo qabanayay ay sameeynayeen falal aan wanaagsaneyn, iyada oo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, ayna cabasho kasoo gudbiyeen dadka laacdheere, lana xiray dadka gacanta lagu dhigay.

Ugu dambeyn Taliye Gashaanle Cismaan Maxamuud Buraale ayaa digniin u diray dhalinyarada dooneysa inay sameeyaan falalka aan wanaagsaneyn, wuxuuna Carabka ku dhuftay inay tallaabo adeg ka qaadi doonaan cidii falkaas lagu arka.

- Advertisement -

Ujeedka howlgalka la sameeyay deegaanka laacdheere ee duleedka Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu ahaa mid lagu doonayay in dhalinyarada loga ilaaliyo in xiliyadaan oo roobabka da’aan in ay togaga ku yaalla halkaas ku dabaashan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts