HomeWararShil Gaari oo ka dhacay duleedka Magaalada Baladweyne

Shil Gaari oo ka dhacay duleedka Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas dhowr daqiiqo kahor uu ka dhacay Shil gaari oo dhaliyey khasaaro. Shilkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaanka Ceeljaale ee duleedka Baladweyne, waxaana uu ka yimid, kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca xamuulka qaado ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas dhowr daqiiqo kahor uu ka dhacay Shil gaari oo dhaliyey khasaaro.

Shilkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaanka Ceeljaale ee duleedka Baladweyne, waxaana uu ka yimid, kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca xamuulka qaado ah iyo mid kale oo ahaa Laan-guruusal.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhaawacmay shilka ka dhacay deegaanka Ceeljaale, isla markaana waxaa halkaas ku gadoomay gaariga weyn oo weli yaalla goobta uu ka dhacay Shilkaas.

Dad shacab ah oo goobta ka Agdhawaa ayaa gurmad u fidiyay qofka dhaawaca uu soo gaaray, waxaana loo qaaday Xarun Caafimaad oo ku taalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Shilal kala duwan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac  ayaa horey sidaan oo kale uga dhacay duleedka Baladweyne, waxaana inta badan shilalka loo sababeeyaa Darawalada oo gaadiidka xawaare sare ku wada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts