HomeWararCiidamo fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno aasayay Miino

Ciidamo fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno aasayay Miino

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Howlgal amniga lagu xaqiijinayo oo ay sameeyeen Ciidanka Darawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa degmada Qansax-dhere ee Gobolka Baay. Guddoomiye ku-xigeenka amiga iyo siyaasadda degmada Qansax-dheere Mukhtaar Cabdi oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Dowladda ayaa u sheegay in inta uu socday howlgalka Ciidamada lagu dilay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Howlgal amniga lagu xaqiijinayo oo ay sameeyeen Ciidanka Darawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa degmada Qansax-dhere ee Gobolka Baay.

Guddoomiye ku-xigeenka amiga iyo siyaasadda degmada Qansax-dheere Mukhtaar Cabdi oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Dowladda ayaa u sheegay in inta uu socday howlgalka Ciidamada lagu dilay laba xubin oo kamid ah Al-shabaab oo aasayay miino nooca dhulka.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka in miinada la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka kunool Qansax-dheere iyo deegaanada kale Maamulka Koonfur Galbeed, hayeeshee laga hortegay, lagana furtay hubkii ay wateen xubnaha la dilay.

Sidoo kale Mukhtaar Cabdi ayaa tilmaamay in goobta howlgalka qorsheeysay laga fuliyay ay aheyd mid Al-shabaab ay ku diyaarin jireen Qaraxyada, isla markaana Ciidanka Maamulka iyo kuwa dowladda ay sii wadi doonaan howlgalada, waa sida uu yiri.

Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr jeer deegaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed qaraxyo miinooyin ah kula eegtay gaadiid ay la socdeen Ciidamada dowladda, kuwa maamulka iyo AMISOM, waxaana weerarada qaarkood ay geysteen khasaaro.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts