HomeWararIndia:- Maxbuus Somali oo cuddurka Qaaxadda u geeriyooday.

India:- Maxbuus Somali oo cuddurka Qaaxadda u geeriyooday.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Mid ka mid ah 120 Burcad-baddeed Somali ah oo muddo afar sanno ku xirnaa dalka India ayaa la sheegay inuu maalintii Axadda ee la soo dhaafay ku dhex geeriyooday Isbitaal ku  yaalla magaalladda Mumbai ee dalkaasi. Marxuumka geeriyooday oo la oran jirey Abdi Jama ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Isbitaalka JJ Hospital oo ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Mid ka mid ah 120 Burcad-baddeed Somali ah oo muddo afar sanno ku xirnaa dalka India ayaa la sheegay inuu maalintii Axadda ee la soo dhaafay ku dhex geeriyooday Isbitaal ku  yaalla magaalladda Mumbai ee dalkaasi.

Marxuumka geeriyooday oo la oran jirey Abdi Jama ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Isbitaalka JJ Hospital oo ku yaalla magaalladda Mumbai.

- Advertisement -

Wargeyska Times of India oo aan ka soo xiganay Warkan ayaa qory Abdi Jama oo 28-jir ahaa uu waayadan dambe la xanuunsanaa cuddurka Qaaxadda iyo xanuun ka hayey Sambabadda.

Wargeyska waxa uu qoray in Marxumka geeriyooday ee Axmed Jaamac degaan ahaan ka soo jeedo magaalladda Muqdisho, waxaana magaca hooyadiisa lagu soo koobay Bargi.

Ciiddanka Badda ee India ayaa horey u sheegay inay Marxuumkaas iyo dhallinyarro kale oo Somali ah ka soo qabteen Xeebaha Somalia bishii March 16-dii ee sannadkii 2011-kii, wuxuuna afartii sanno ee la soo dhaafay ku xirnaa Xabsiga Taloha ee magaalladda Mumbai.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Safaaradda Somalia ku leedahay caasimadda dalka India ee New Delhi ayaa lagu wargeliyey geerida Marxuumkaasi, waxaana la filayaa inay abaabulaan qorshihii Marxuumkaasi lagu aasi lahaa.

Geerida Marxuumkaasi ayaa ku soo beegantay iyadoo ay 119-ka Burcad-baddeed ee ku xiran dalka India go’aansadeen inay qirtaan Eedeymaha loo haysto, si taasi u fududeyso inay xukunkooda ku dhamaystaan gudaha dalkeenna Somalia.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts