HomeWararXaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka iyo dad hor leh oo u...

Xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka iyo dad hor leh oo u geeriyooday

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 107 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 11 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 25 ruux. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 107 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 11 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 25 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland (39) gobalka Banaadir (26), Koonfur Galbeed (21) Hirshabeelle (11), Jubbaland (9) iyo Hirshabeelle (1) qof, 61 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 46-na ay yihiin haween.

- Advertisement -

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 8,820 waxaa bogsootay 4,079 Ruux. guud ahaan 338 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts