HomeWararMadaxweyne Muuse Biixi “Shacabka Magaalada Muqdisho waa afduuban yihiin”

Madaxweyne Muuse Biixi “Shacabka Magaalada Muqdisho waa afduuban yihiin”

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta oo Isniin ah hortegay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas, isagoona u jeediyay khudbad sanadeedka dastuuriga ah oo uu uga hadlay arrimo kala duwan. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sigaar ah diirada u saaray arrimo isugu jiray amniga, xaaladda siyaasadda Maamulkiisa, Doorashooyinka 2021, Miisaaniyada, musuq maasuqa iyo arrimo ku aadan dowladda Federaalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta oo Isniin ah hortegay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas, isagoona u jeediyay khudbad sanadeedka dastuuriga ah oo uu uga hadlay arrimo kala duwan.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sigaar ah diirada u saaray arrimo isugu jiray amniga, xaaladda siyaasadda Maamulkiisa, Doorashooyinka 2021, Miisaaniyada, musuq maasuqa iyo arrimo ku aadan dowladda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay inay u diyaar garoobayan qabashada doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxtinimada Somaliland, isla markaana xusay in doorashada ay ka qeyb geli doonaan in ka badan 990 Musharax, ayna socdaan howlaha doorashada.

Muuse Biixi ayaa sheegay inay jiraan ilaa iyo 31 Mas’uul oo ka tirsan Somaliland oo lagu soo eedeeyay arrimo la xiriira musqu-maasuq, wuxuuna tilmaamay inay  si adeg ula dagaalami doonaan musuq-maasuqa, dadkaasna lala xisaatami doono.

Waxaa kaloo uu Carabka ku dhuftay Muuse Biixi in amniga Somaliland uu yahay mid wanaagsan, isla markaana hay’addaha amniga ay heegan buuxa u yihiin sidii ay uga shaqeyn lahaayeen nabadgalyada, maadaama ay kusoo food leedahay doorashada.

- Advertisement -

Dhinaca kale  Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbadiisa sii watay ayaa shacabka magaalada Muqdishao ku tilmaamay in ay afduuban yihiin, isla markaana dadka talada u haaya ay qaatan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka kala fogeynaya.

“Shacbiga Muqdisho iyagaaba afduuban, dadka talada u hayaana waxay qaadaan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka kala fogeynaya. Maanta Muqdisho dawladdii hore wakhtigeedii wuu dhammaaday dawlad cusubna lama dooran sharciguna uma kordhin haddana wuu fadhiyaa waana maamulayaa” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu intaas kusii daray inay lasii adkeyn doono sharciga lagu qaadayo mas’uuliyiin kasoo jeeda Somaliland ee ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya, kadib marka ay cafis soo dalbadaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts