HomeWararDagaal culus oo Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Gobolka Baay

Dagaal culus oo Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Gobolka Baay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in uu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolkaas iyo Al-Shabaab. Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba,kadib markii Al-Shabaab ay wadada u galeen kolonyo ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in uu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolkaas iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba,kadib markii Al-Shabaab ay wadada u galeen kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya oo ka baxay degmada Buurhakaba kuna sii jeeday Magalada Baydhabo.

- Advertisement -

Wariyeyaal ku sugan Magalada Baydhabo ayaa waxa ay soo sheegeen in dagaalka ka hor la maqlay jug xoogan taas oo loo maleynayo inay tahay qarax,sidoo kalena halka lagu dagaalamay oo 20km u jirta Magalada Baydhabo uu ka dhacay dagaal xoogan.

Weli macada khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac dagaalkaas kasoo gaaray,hayeeshee Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ay ku sheegeen in ay Gaadiid ku gubeen weerarkaas jidgalka ahaa,isla markaana ku dhowaad 40 askari ay ku dileen.

Warar kale oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Itoobiya rasaas farabadan oo ay fureen ay ku waxyeeloobeen dad Xoolo dhaqato ah oo ku sugan deegaanka lagu dagaalamay ee u dhaxeeya Magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba ee Gobolka Baay.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan weerarkaan lagu qaaday saakay kolonyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo ka baxay degmada Buurhakaba kuna sii jeeday Magalada Baydhabo.

Xaalada deegaankii lagu dagaalamay ayaa lagu soo waramayaa in xiligaan uu yahay mid degan,isla markaana dadkii ku noolaa qaarkood ay sheegeen inay cabsi soo wajahday xilligii uu dagaalka dhacayay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts