HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo farriin u diray Madaxda Cusub ee Maamulka Puntland

Madaxweyne Farmaajo oo farriin u diray Madaxda Cusub ee Maamulka Puntland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland. “Waxaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Deni iyo K/xigeenkiisa Mudane Axmed Karaash ugu hambalyeynayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland.

“Waxaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Deni iyo K/xigeenkiisa Mudane Axmed Karaash ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Puntland ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan amni, caddaalad iyo horumar.”

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Puntland.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka Puntland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts