Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa uga digtay Muwaadiniinta Maraykanka inay booqasho ku tagaan Kenya, isla markaana laga cabsi qabo in bar tilmaameed laga dhigto.
Digniintan dhinaca Socdaalka ayaa ku soo beegmayso iyadoo Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama lagu wado inuu bishan July 25-da booqasho ku tago Kenya.
Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay sheegtay inay digniintan dhici doonto bishan July 30-da, marka uu dhamaado Shirka Caalamiga ee lagu qaban doono Nairobi.
Dhinaca kale, Dowladda Kanada ayaa soo saartay Digniin ay Muwaadiniinta ugu baaqday inaysan booqasho ku tegin Kenya, iyadoo ay kordheen weeraradda Alshabab ku qaadaan Kenya iyo dembiyadda kale.
Dhawaan ayey Alshabaab waxay Dagaalyahanno tababaran oo u badan Kenya u xil-saartay Hawlgalladda laga fuliyo gudaha Kenya.
Ciiddankaasi oo lagu magacaabo Jesh Ayman ayaa waxay saldhigyo qarsoon ku leeyihiin dhulka Kaymaha ee Boni Forest ee W/bari Kenya, waxayna fuliyaan hawlgalladda khaaska ee la sii qorsheeyey.
© Radio Dalsan