HomeWararSawirro:-Wasiirka Waxbarashada & Hay’adda DFID oo Heshiis kala saxiixday

Sawirro:-Wasiirka Waxbarashada & Hay’adda DFID oo Heshiis kala saxiixday

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre iyo madaxa hay’adda DFID ee Soomaaliya Phil Evans ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday shan milyan oo dollar oo lagu tageerayo sidii loo horumarin lahaa waxbarashada, gabdhaha. Shantan milyan ee dollar ayaa waxaa bixineysa  hay’adda USAID ee laga lee yahay dalka Mareykanka, waxana heshiiska goob joog […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre iyo madaxa hay’adda DFID ee Soomaaliya Phil Evans ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday shan milyan oo dollar oo lagu tageerayo sidii loo horumarin lahaa waxbarashada, gabdhaha.

Shantan milyan ee dollar ayaa waxaa bixineysa  hay’adda USAID ee laga lee yahay dalka Mareykanka, waxana heshiiska goob joog ka ahaa agaasimaha hay’adda USAID ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in shanta milyan  loogu talo galay in lagu horumariyo waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed.

“Waa guul weyn waxaan kala saxiixnay hay’adda DFID heshiis lagu horumarinayo waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed, shantan milyan waxaa si hordhac ah u bixin doonta dowladda Mareykanka gaar ahaan hay’adda USAID, maanta waxaa halkan joogay wakiil ka socda dowladda Mareykanka muddo 30 sano kadib”ayuu yiri wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Xukuumadda federaalka iyo wasaaradda waxbarashada ay ka go’antahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya dowladaha caalamka.

- Advertisement -

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa  ku guuleystay muddooyinkii dambe in heshiisyo lagu horumarinayo waxbarashada dalka uu la saxiixdo hay’addo caalami ah si loo horumariyo waxbarashada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts