HomeCaalamkaMareykanka oo hakinaya shidaalkii uu siin jiray diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga

Mareykanka oo hakinaya shidaalkii uu siin jiray diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Mareykanka ayaa sheegay inuu joojinayo shidaalkii uu hawada ku siin jiray diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga ee ka dagaalka ka wado Yemen. Warbaahinta Sucuudiga ayaa ku warrantay in xukuumadda Riyaadh iyo dalalka saaxibada yihiin ee khaliijka ay sare u qaadeen awooddooda ah inay diyaaradahooda dagaalka ka wado Yemen ay ku shubtaan shidaalka isla markaasna muqstaqbalka ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Mareykanka ayaa sheegay inuu joojinayo shidaalkii uu hawada ku siin jiray diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga ee ka dagaalka ka wado Yemen.

Warbaahinta Sucuudiga ayaa ku warrantay in xukuumadda Riyaadh iyo dalalka saaxibada yihiin ee khaliijka ay sare u qaadeen awooddooda ah inay diyaaradahooda dagaalka ka wado Yemen ay ku shubtaan shidaalka isla markaasna muqstaqbalka ay arrintaasi si madax bannaan u samaysan karaan.

- Advertisement -

Dhanka kale, warbaahinta Mareykanka ayaa soo xigatay saraakiil Amerikaan ah oo sheegayo in maamulka Trump uu shaaca ka qaadayo inuu joojinayo adeegyadii dhanka militariga uu u fidin jiray Sucuudiga oo hoggaaminaya dagaalka diyaaradaha huwanta ay ka wadaan Yemen, horraantii bishan ayay ahayd, Markii mareykanka uu ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan yemen.

Waxaa jiray cadaadis caalami ah oo la saarayo Sucuudiga oo ah inuu hakiyo duqaynta uu ka wado Yemen, maadama xaaladda ban’aadanimo ee dalkaasi ay kasii dareyso.

Qaramada Midoobey maxay ka tiri dagaalka Yemen?

- Advertisement -

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa waxa uu ku baaqay in la soo afjaro qulqulatooyinka ka soconaya dalka Yemen, iyo weliba in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada ka soconaya agagaarka goobaha muhiimka ah iyo weliba meelaha ay dadka badan ku nool yihiin.

Mr. Guterres ayaa waxa uu ugu baaqay dhinacyada ku diriraya dalka Yemen inay si niyad wanaag ah oo aanay shuruudi ku xirnayn u bilaabaan wadahadal.

Xoghaye Guterres ayaa xilka u hayo waxaa uu u isticmaalay inuu kusii adkeeyo digniinaha Qaramada Midoobay ay ka soo saartay colaadda Yemen.

Waxa uu sheegay in xaaladda bini’aadminimo ee dalkaasi ay aheyd mid quus ah ayna suuragal tahay inay isu bedesho macluushii ugu xumeyd ee la rko muddo tobannaan sano ah hadaanan si degdeg ah wax looga qaban.

Carruurta Yemen ayaa gaajo iyo cuduro u dhimanaya iyadoo Qaramada Midoobay ay ka digtay in kala bar dadka dalkaasi ku nool ay halis soo wajahayso bilooyinka soo socda.

Mareykanka

Mareykanka ayaa ku baaay in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada Yemen ka socda, iyada oo ay dagaallada sokeeye oo seddex sano ka socday Yemen ay sababeen iney dalkaasi ka dhacaan macluushi bani aadaminimo ee ugu xumeeyd.

Wasiirka gaashaandhigga Mareykanka James Mattis ayaa sheegay dhinacyada isku hayo Yemen iney 30-ka maalmood ee soo socda gudhii ay ku billaabaan wada hadallo nabadeed oo dhibaatada Yemen ka taagan lagu soo afjaro.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa xulafada Sacuudiga uu hoggaaminayo ee dagaalka kula jira dhaqdhaqaaqa xuutiyiinta ugu baaqay iney joojiyaan duqeymaha dhinaca cirka ah ee ay ka sameeynayaan goobaha ay dadku ku badan yihiin.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts