Xalay ayaa Magalada Muqdisho waxa askari ka tirsan Ciidanka Dowladda gaar ahaan kuwa ku sugan degmada wadajir uu ku dilay Gabar ka mid aheyd kuwa ku nool Gobolkaan Banaadir.
Gabadha ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Safiyo Cabdiraxmaan Maxamuud,waxaana ay ka mid aheyd Gabdhaha waxbartay ee ku nool Muqdisho,waxaana Macalin ay ka aheyd Iskuulka Raage Ugaas,waxana la sheegay in Gacanta lagu soo dhigay Askarigii ka dambeeyay dilkaas.
Qoyska Safiya ayaa waxaa booqasho ugu tagay Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax,si ay ula qeyb sadaan tacsida iyo murugada dilka loo geystay Gabadhooda.
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen askarigii dilka u geystay gabadhaas,isla markaana cadaalada lahor-keeni doono.
Waxa uu sheegay in marnab aan la ogolaan doonin in Ciidamadu dadkii ay u qidmeyn lahaayeen inay dilaan,taas bedelkeedana tallaabo laga qaadi doono askari walba ee dad Shacab ah dhibaateeya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir.