HomeWararQaramada Midoobay oo xaqiijisay in gaadiid ay lahaayeen lagu Rasaaseeyay Galmudug

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay in gaadiid ay lahaayeen lagu Rasaaseeyay Galmudug

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) wuxuu cambaaraynayaa xayiraaddii iyo weerarkii loo geystay kolonyo gaadiid oo QM leedahay dhacdadaas oo ka dhacday waddada xiriirisa Gaalkacyo iyo Cadaado ee dowlad goboleedka Galmudug Sabtidii, 3dii November. Kolonyada waxaa la socday tobaneeyo saraakiil boolis ah oo ka socday Koonfurta Gaalkacyo saacadihii dambe ee galabnimadii Sabtida markii lagu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) wuxuu cambaaraynayaa xayiraaddii iyo weerarkii loo geystay kolonyo gaadiid oo QM leedahay dhacdadaas oo ka dhacday waddada xiriirisa Gaalkacyo iyo Cadaado ee dowlad goboleedka Galmudug Sabtidii, 3dii November.

Kolonyada waxaa la socday tobaneeyo saraakiil boolis ah oo ka socday Koonfurta Gaalkacyo saacadihii dambe ee galabnimadii Sabtida markii lagu joojiyay bar-koontarool oo shan kiiloomitir banaanka ka ah Cadaado ayna joogeen sideed rag ah oo sheeganayay inay yhihiin saraakiil boolis.

- Advertisement -

Midkoodna ma xirnayn dharka lebiska booliska, laakiin waxay diideen inay marin siiyaan kolonyada oo gelbinaysay koox shaqaale QM ah oo loo xil-saaray gogol-xaarka booqasho ku wajahnayd Dhuusamareeb oo madaxda QM ku tegi lahayd halkaas.

Kadib markii saraakiishii QM go’aansadeen inay baajiyaan hawsha socdaalka shaqo oo ay dib ugu laabtaan Galkacyo, ayaa gaari xamuul qaad ah oo ay saarnaayeen maleeshiyaad wuxuu soo dhexmaray barta kontorool wuxuuna rasaas ku furay kolonyadii QM. Ma jiro qof kamid ah xubnaha kolonyada oo ku dhaawacmay, mana jirto waxyeelo kasoo gaartay gaadiidka QM dhacdadaasi rasaasaynta ah.

“Weerarkii todobaadkii hore loo geystay kolonyada QM ma aha wax la aqbali karo, waxaana ugu baaqaynaa madaxda dowlad goboleedka Galmudug iyo Dowladda Federaalka ah inay la xisaabtamaan maleeshiyaadkii rasaasta ku furay saaxiibadeen.

- Advertisement -

Weerar noocaas oo kale ah looma geysan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya muddo aad u fog.” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom. “Shaqaalaha Qaramada Midoobay waa in loo ogolaado inay si xor ah ku dhexmaraan Soomaaliya waqti kasta.

Waa inay awood u helaan gudashada waajibaadka shaqo ee UNSOM iyo hey’adaha QM, sanduuqyada iyo barnaamijyada iyagoo aan khatar ugu gelin in la rasaaseeyo sabab la’aan.”

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts