HomeBilan Media SomaliDABBABKA KACA XILLIYADA DABAYLAHA OO SAAMEYN TABBAN KU YEESHA QOYSASKA BARAKACAYAASHA AH.

DABBABKA KACA XILLIYADA DABAYLAHA OO SAAMEYN TABBAN KU YEESHA QOYSASKA BARAKACAYAASHA AH.

Date:

Related stories

Women in Somalia’s Police Force: Expanding Roles in Security and Recovery.

“Communities often show encouragement and support when they see women serving in the police. This has motivated many young women to consider joining the force.”

Somalia’s State Minister Responds to Trump’s Harsh Remarks in Diplomatic Rebuttal

“For some people, it has become very easy to use Somalia as an excuse or to hide their own failures. This narrative is not only false, but it is also an insult to our resilience and our sacrifice. We must show unity, protect our dignity, and prove to the world that we are not something to be used or manipulated at someone’s convenience.”

The Unmuted Mic: How a Newsroom of Women is Rewriting Somalia’s Story

Take the global 16 Days of Activism against Gender-Based Violence. Much of the world covers it through numbers and headlines. At Bilan, we go further. We ask: What does justice look like for a woman whose nearest court is days away? How does a “women empowerment” program fail when she cannot even travel safely to the market? Who are the unsung community leaders—women and men—quietly mediating disputes to prevent violence before it starts? These layers only emerge when the journalist understands the culture, the sensitivities, and the stakes.

Nuurta Kuusow iyo shan carruur ah oo ay dhashay ayaa muddo ka badan labaatan cisho waxa ay ku hoydaan meel bannaan. Dab si fudud ku kacay ayaa baabiyey halkii qol oo ay ku noolaayeen iyo gogoshii taalay. In kasta oo laga badbaadiyay carruurtii huruday guriga, haddana waxaa adkaatay in la xakameeyo dabka sababo la xiriira […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Nuurta Kuusow iyo shan carruur ah oo ay dhashay ayaa muddo ka badan labaatan cisho waxa ay ku hoydaan meel bannaan. Dab si fudud ku kacay ayaa baabiyey halkii qol oo ay ku noolaayeen iyo gogoshii taalay. In kasta oo laga badbaadiyay carruurtii huruday guriga, haddana waxaa adkaatay in la xakameeyo dabka sababo la xiriira dabeylaha xoogan ee dhacaya.

Nuurto oo ka hadlaysa dhibka soo gaaray ayaa tiri; “Labbo carruur ah oo mataanaha ah ayaa iga guban gaaray,  dariska iiga badbaadiyey. Hadda bannaanka ayaaan seexanaa, wax aan cunno ma haysano oo raashin yar oo ay darisku na siiyaan guriga ayuu ku gubtay.”

- Advertisement -

“Habeenkii maba hurdo oo waxa aan illaaliyaa carruurtayda maadaama aan seexano meel cidlo ah,” ayaa ay sii raacisay Nuurto.

Tirada kiisaska dab ee ka kacay magaaladda Muqdisho iyo duleedkeeda, ayaa kordha xilliyadda ay dabeyluhu jiraan. Bishii ina dhaaftay oo kaliya in ka badan 24 dab oo badankood ka kacay guryo ayaa ay damiyeen dabdamiska shirkada Hormuud oo ah mid ka mid ah dabdamisyada fara ku tiriska ah ee ka shaqeeya Muqdisho.

“Bilaha ay dabeylaha jiraan waxaa aad u bata dababka kaca, hadda bishii Janaayo oo kaliya 30 kiis oo dab ah ayaan daminay” ayuu yiri agaasimaha Waaxda dabdamiska Hormuud, Jamaal Cali Diiriye.

- Advertisement -

“Waddooyinka xiran, ciriiriga ka jira magaaladda iyo xaafadda qaar oo aan lahayn jidad ay mari karaan baabuurta dabdamiska ayaa caqabad ku ah shaqadeenna.” ayuu sii raaciyay Agaasime Jamaal.

Dhan ka kale guryaha ka badbaada dababka kaca magaaladda ee ku yaala xeryaha barakacayaasha ayaa waxa ay dabeysha kala kulmaan saameyn tabban.  Qoyska Cabdiqaadir Muumin, oo ka kooban sagaal ruux, waxa ay ku nool yihiin hoy aan ka celin karin cadceeda maadaama ay dabeyshu qaaday bacdii saarnayd.

Cabdiqaadir Muumin oo aragga naafo ka ah ayaa jiri; “Dabbaysha ayaa iga qaaday bacdii guriga saarnayd, habeenkii waan iska seexannaa, kaneeco iyo qabow badan na ayaa jira.”

Lacago yar oo ay ugu deeqaan dadka uu kula kulmo waddooyinka iyo suuqyada ayuu ku dabaraa nolosha qoyskiisa. Waxa uuna u sheegay Bilan in uu san awoodin inuu dib u dhisto gurigiisa ay dabeyshu ka dumisay.

Si loo yeereeyo dhibaatooyinka barakacayaasha ka soo gaara dabbaylaha iyo dababka ka dhasha, Dr. Maxamed Xasan, oo ah qoraa arrimaha dabka, una olle-oleeyo in la yareeyo halista dabka, ayaa qaba in qoysaska loo dhiso guryo ku habboon, waalidiintuna ay tahay in ay taxadar dheeri ah muujiyaan.

“Waxa dadka barakacayaasha ah u nugleeyay halista dabka waa goobaha ay ku nool yihiin oo cooshado ah, halka ay ku karsadaan cuntada oo aad ugu dhaw meesha ay seexanayaan, marka si loo yareeyo halistaasi ay wajahayaan waa in loo dhisaa guryo adag, lagana taxadaraa meelaha jikada laga dhigayo.” Ayuu yiri Dr Maxamed Xasan.

Dhibaatada ka dhalata dabeylaha jira kuma koobna oo kaliya barakacayaasha, waxa ay se sidoo kale saameyn tabban kaga tagaan qoysaska dhaqan guryaha jiingada ah, kuwaasi oo u nugul dabka iyo dabeylahaba.

Sacdiya Nuur, Bilan Media

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts