HomeWararFaallo:- Loolanka Madaxtinimadda Dowlad-gobaleedka Galmudug oo lagu wado in maanta lagu kala...

Faallo:- Loolanka Madaxtinimadda Dowlad-gobaleedka Galmudug oo lagu wado in maanta lagu kala baxo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Tartanka Doorashadda ee Madaxtinimadda Dowlad-gobaleedka Galmudug ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda ka bilaabanto Hoolka Shirarka ee magaalladda Cadaado. Musharixiinta ku baratamayso Xilkaasi ayaa waxay maalmihii la soo dhaafaay ku hawlanaayeen Bandhigga Siyaasadooda ku aadan Qorshaha ay ku hagi doonaan Maamulka Galmudug. 9 Musharax oo ay middi haweeney tahay ayaa u taagan doorashadaasi, waxaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Tartanka Doorashadda ee Madaxtinimadda Dowlad-gobaleedka Galmudug ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda ka bilaabanto Hoolka Shirarka ee magaalladda Cadaado.

Musharixiinta ku baratamayso Xilkaasi ayaa waxay maalmihii la soo dhaafaay ku hawlanaayeen Bandhigga Siyaasadooda ku aadan Qorshaha ay ku hagi doonaan Maamulka Galmudug.

- Advertisement -

9 Musharax oo ay middi haweeney tahay ayaa u taagan doorashadaasi, waxaana la saadaalinayaa inuu loolanku noqon doono mid aad u adag, maadaama ay Musharixiinta ku jiraan kuwa miisaan culus ku leh Masraxa Siyaasadda ee Somalia.

Sharciga Doorashadda ayaa dhigayo in Musharixii keena labo duleel oo saddex (2/3) uu ku guuleysanayo Xilka Madaxtinimadda ee Dowlad-gobaleedka Galmudug, wuxuuna Sharcigaasi aad ugu muuqdaa mid Musharixiinta ay si aadag ugu kala bixi karaan.

Hadal-haynta ugu ballaaran ayaa waxay muujinaysaa in Musharixiinta kala ah Ambassador Axmed Macallim Fiqi, Ambassador Axmed C/salaam iyo Jeneral Cabdi Qeybdiid yihiin kuwa la saadaalinayo inay isugu soo hari doonaan Wareegga ugu dambeeya, ka hor inta uusan midkooda ku guuleysanin xilka Madaxtinimadda ee Dowlad-gobaleedka Galmudug.

- Advertisement -

Wafuud Caalami ah iyo kuwa ka socda Dowladda Federalka ayaa la filayaa inay goobjoog ka noqdaan Tartankaasi oo lagu wado inuu saacadaha soo socdo ka furmo magaalladda Cadaado oo iyadu marti-gelisay Dhismaha Dowlad-gobaleedka Galmudug.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Doorashadaasi noqon doonto mid ku dhacda si Dimuqraadi ah, iyadoo Xildhibaanadda Barlamaanka Galmudug dooran doonaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug, waxayna Xildhibaanaddu yihiin kuwo si mas’uuliyad leh codkooda  qaab qarsoodi ah u dhiiban doona.

Xildhibaanadda codeynayo ayaa la dhihi karaa waxay si niyad ah u kala taageerayaan Musharixiinta, maadaama uu Xildhibaan kasta la dhacsan yahay mid ka mid ah Hoggaaminta Musharixiinta.

Dadka u dhuun-duleela Doorashadda ka dhacayso Cadaado, ayaa rumeysan in Codeyntu tahay mid culus, lana saadaalin karin Musharax ku guuleysan doonaa, inkastoo Musharaxa noqda Madaxweynaha ay horyaalaan Ajendooyin iyo caqabado fulinteeda aysan sahlanaan doonin.

Balse la arki doonee Musharax nasiibka u hela inuu ku guuleysto codbixinta Madaxtinimadda Dowlad-gobaleedka curdanka ee Galmudug.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts