HomeWararPuntland oo Raali gelin ka bixisay hadalkii Madaxweynaha Puntland (Wareegto)

Puntland oo Raali gelin ka bixisay hadalkii Madaxweynaha Puntland (Wareegto)

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wareegto laga soo saaray Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa raalin gelin laga bixiyey hadal dhawaan uu sheegay Madaxweynaha Puntland kaas oo dad badani ku tilmaameen in loogu gefay shacabka ku nool deegaanada Koonfur Galbeed. Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland  ayaa lagu sheegay in maalmahan arkayeen  dad Soomaaliyeed oo ku mashquulsan kala qeybinta Ummadda Soomaaliyeed,iyada oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wareegto laga soo saaray Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa raalin gelin laga bixiyey hadal dhawaan uu sheegay Madaxweynaha Puntland kaas oo dad badani ku tilmaameen in loogu gefay shacabka ku nool deegaanada Koonfur Galbeed.

Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland  ayaa lagu sheegay in maalmahan arkayeen  dad Soomaaliyeed oo ku mashquulsan kala qeybinta Ummadda Soomaaliyeed,iyada oo soo xiganeyey hadal uu Madaxweyne Gaas ula jeeday Al-Shabaab.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa raali gelin ku saabsan hadalkii Madaxweynaha Puntlkand loo diray Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Koonfur Galbeed oo la sheegay in hadalkaas ay ka xumaadeen.

Ugu dambeyn waxaa lagu soo geba gabeeyey in puntland Shacabka Koonfur Galbeed mar walba la garab taagan tahay xoojinta midnimadooda.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan hadal uu jeediyey waxa uu ahaa mid saameyn badan reebay,iyada oo  Shacab iyo Mas’uuuliyiin ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ay jawaab ka bixiyeen.

- Advertisement -

Hadalkii hore ee Madaxwweyne Gaas ayaa ahaa sidatan.

“Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan, lamana yeeli karo.”

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts