HomeCaalamkaSawirro:-Xafiiska Hay’ada UNICEF ee Soomaaliya oo loo soo wareejiyay Muqdisho

Sawirro:-Xafiiska Hay’ada UNICEF ee Soomaaliya oo loo soo wareejiyay Muqdisho

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxa Bariga iyo Koofurta Africa ee Hay’adda Unicef ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray dhismaha cusub ee xafiiska Unicef ee Soomaaliya. Munaasabada waxaa Goobjoog ka ahaa shaqaalihii Hay’adda Unicef ee ka howlgali jiray dalka kenya oo maanta wixii ka dambeeya shaqadooda ay tahay gudaha dalka Soomaaliya, taasoo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxa Bariga iyo Koofurta Africa ee Hay’adda Unicef ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray dhismaha cusub ee xafiiska Unicef ee Soomaaliya.

Munaasabada waxaa Goobjoog ka ahaa shaqaalihii Hay’adda Unicef ee ka howlgali jiray dalka kenya oo maanta wixii ka dambeeya shaqadooda ay tahay gudaha dalka Soomaaliya, taasoo muuqal wanaagsan ka bixinayso u hogaasanaanta Hay’adda baaqii dowladda ee ahaa in dalka ay mudo kooban ugu howlgalaan.

- Advertisement -

Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin wayn oo taariikh ah in xafiiskii Soomaaliya ee Hay’adda ee ku yaalay Niarobi in gudaha dalka ka howl bilaabo.

Madaxda Bariga iyo Koofurta Africa ee Hay’adda UNICEF Leyla Bakar ayaa sheegtay in Muhiimad gaar ah ay leedahay arrintan.

“Waxaan maanta u soo wareejinay xafiiska maamulka Magaalada Muqdisho kaas oo si wadajir ah uga shaqeyn doona Muqdisho iyo qeybaheeda kala duwan, muhiimad gaar ah ayee ii leedahay maanta in halkan aan joogno”.

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaayay in maanta micno weyn dalka ugu fadhiyo xafiiska Soomaaliya ee Unicef si rasmi ah in dalka uga shaqo bilaabo, isla markaana uu shaqo abuur ay u noqon doono Muwaadiniinta.

Unicief ayaa Soomaaliya waxa ay kala shaqeysaa arrimaha Biyaha, Caafimaadka, Nafaqeynta, Haweenka iyo dhalaanka, waxbarashada iyo ilaalinta bulshada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts