HomeCaalamkaSawirro:-Wasiirka Arrimaha Dibada oo la kulmay dhigiisa Saddex Wadan

Sawirro:-Wasiirka Arrimaha Dibada oo la kulmay dhigiisa Saddex Wadan

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya Shirka 73-aad ee Qaramada Midoobay ee ka socda Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa halkaasi kulamo kula qaatay Madax kala duwan oo ka socda Dalalka Caalamka. Wasiirka ayaa kulamo la yeeshay madaxda wadamo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya Shirka 73-aad ee Qaramada Midoobay ee ka socda Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa halkaasi kulamo kula qaatay Madax kala duwan oo ka socda Dalalka Caalamka.

Wasiirka ayaa kulamo la yeeshay madaxda wadamo kala duwan iyo Hay’addo hoos yimaada Qaramada Midoobay, Kuwaas oo uu kala hadlay arrimo quseeya Soomaaliya iyo guud ahaanba Gobolka.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Kulamadii u danbeeyay waxa uu la yeeshay Wasiirada arrimaha dibadadda Wadamada Ruushka, Qatar, Kosovo iyo Kuwo kale.

Kulankii uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Kosovo ayay kaga wada hadleen xariirka labada dal, iyadoo dowlada Kosovo Carabka kudhufatay in Soomaaliya ay ku leedahay abaal weyn Taas badalkeedana ay Kosovo diyaar u tahay in ay abaalkaasi guddo, Waxayna halkaasi ku soo bandhigeen in Soomaaliya ay saafaarad ka furato Kosovo ayna fududeeyn doonaan adeegyada furista sadaarad Soomaliya ay ku yeelato halkaasi.

“Dowlada Ruushka waxy marwalba Diyaar u tahay sii wadista xariirka qotoda dheer ee kala dhexeeya Soomaaliya Iyo Soo celinta wada shaqeeyn xoogan oo markale dhexmarta Soomaaliya iyo Ruushka” Sidaa waxaa yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov oo isna kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS.

- Advertisement -

Sheikh Mohamed Bin Abdulrahman Al-thani oo ah wasiirka Arimaha dibada ee dalka Qatar iyo Wasiir Ahmed Awed ayaa ka wada hadlay wadashaqeyn dhow oo dhexmarta wadamada Qatar iyo Soomaaliya isaga oo sheegay in uu ku faraxsanyahay la kulanka wafdiga Soomaaliya ku matalaya Shirka guud ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa madasha fadhiga 73aad ee Golaha Guud ee Jimciyadda Qurumaha ka jeedin doono Khudbada ay Soomaaliya ku leedahay Shirkaasi.

Deeqo Shire (SONNA)

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts