Dowladda Sacuudiga ayaa xalay waxa ay ku dhawaaqday in Maanta ay tahay Maalinta Koobaad ee Bisha Carafo,sidoo kale Maalinta Talaadada ah ay ku beegan tahay maalinta Ciida Carafo,kuna beegan 21-ka Bisha Agoosto,waxaana Go’aankaas ku diiday qaar ka mid ah Wadamada Caalamka.
Wadamada Indonesia, Brunei,iyo Malesia  ayaa waxa ay sheegeen in xalay aysan arkin bisha Carafo sidaas daraadeed Maalinta Ciida Carafo ay ku aadan tahay 22-ka Bisha Agoosto oo ku beegan Maalin Arbaco ah.
Waxa ay sheegeen in Maanta oo Axad ah ay dhameystirayaan Bisha Dulqacda,ama (Sidataal) ayna u noqoneyso 30,halka Wadamada Bakistaan,Iiraan  Bangaladesh iyo Srilanka u tahay 29,isla markaana ay Ciidi doonaan Arbacada ama Khamiista.
Dowladda Sacuudiga ayaa inta badan waxa ay soo saartaa Go’aano,sida Maalmaha Ciida iyo Bisha Ramadaan,waxana jira dalal ku raaca iyo kuwa ka soo horjeeda intaba.