HomeWararUhuru Kenyatta oo sheegay inaysan Ciiddankiisa ka soo bixi doonin Somalia ilaa...

Uhuru Kenyatta oo sheegay inaysan Ciiddankiisa ka soo bixi doonin Somalia ilaa ay ku guuleystaan Alshabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha dalka Kenya waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu maanta soo booqday Askarta ku dhaawacantay dagaalkii ay Ciiddanka Kenya iyo Alshabaab ku dhex maray duleedka Degmadda Laamu, kuwaasi oo lagu daaweynayo Isbitaalladda Ciiddamadda ee The Forces Moemorial Hospital oo ku yaalla magaalladda Nairbi. Waxa uu intaasi ku daray inaysan jirin waddo kale oo ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Kenya waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu maanta soo booqday Askarta ku dhaawacantay dagaalkii ay Ciiddanka Kenya iyo Alshabaab ku dhex maray duleedka Degmadda Laamu, kuwaasi oo lagu daaweynayo Isbitaalladda Ciiddamadda ee The Forces Moemorial Hospital oo ku yaalla magaalladda Nairbi.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan jirin waddo kale oo ay Somali kaga soo baxaan, iyadoo uusan weli dhamaanin La-dagaalanka Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

“Waxaan ku sii nagaan doonaan gudaha dalka Somalia ilaa lagu guuleysano dagaalkaasi. Waxbana nagama hor joogsan karo inaan sii joogno halkaasi, xitaa haddii la soo weeraro dalkeenna” ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Waxa uu intaasi ku daray  in Ka-bixitaanka degdegga ee Somalia inay Alshabaab ka taageeri karto inay goobo cusub qabsadaan, wuxuuna ku goodiyey inay la dagaalami doonaan Alshabaab, isla markaana ay  cagta marin doonaan, waa sida uu hadalka u yiri.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Isbahaysiga mucaaradka ee CORD ugu baaqeen Dowladda Kenya in ciiddanka laga soo saaro Somalia, si ay Dagaalamayaasha Alshabaab u joojiyaan weeraradda ay ka fuliyaan gudaha Kenya.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Dowladda Kenya waxay  si rasmi haaan u shaacin la’ yihiin tiradda ciiddanka looga dilay tan iyo markii ay gudaha u galeen dalka Somalia.

Waxaana la sheegaa in boqolaal Askar Kenyaati ayaa la  dilay tan iyo markii ay ciiddankaasi soo galeen gudaha dalka Somalia  bishii October 16-kii ee sannadkii 2011-kii.

Dhinaca kale, in ka badan 350 Kenyaati ah ayaa lagu dilay gudaha dalka Kenya, tan iyo markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab bilaabeen weeraradaasi oo cadaadis-saar u ah si Askarta Kenya looga soo daad-gureeyo gudaha dalka Somalia.

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts