HomeCaalamkaSawirro:-Madaxweynaha Puntland oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda IGAD iyo UNSOM

Sawirro:-Madaxweynaha Puntland oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda IGAD iyo UNSOM

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Dr; Cabdiweli Mxamed Cali Gaas, ayaa Maanta oo Sabti ah Xafiiskiisa ku qaabbilay wafti uu hoggaaminayay wakiilka gaarka ah ee  IGAD u qaabbilsan Soomaaliya Dr; Mohamed Guyo iyo ku xigeenka Madaxa arrimaha Siyaasadda Soomaaliya UNSOM Mr. Raisedon Zenenga. Madaxweynaha Puntland kulanka uu la qaatay IGAD iyo UNSOM waxaa ku wehelinayey Wasiirka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Dr; Cabdiweli Mxamed Cali Gaas, ayaa Maanta oo Sabti ah Xafiiskiisa ku qaabbilay wafti uu hoggaaminayay wakiilka gaarka ah ee  IGAD u qaabbilsan Soomaaliya Dr; Mohamed Guyo iyo ku xigeenka Madaxa arrimaha Siyaasadda Soomaaliya UNSOM Mr. Raisedon Zenenga.

Madaxweynaha Puntland kulanka uu la qaatay IGAD iyo UNSOM waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo horumarinta reer miyaga, Wasiirka Haweenka iyo Saraakiil kale.

- Advertisement -

kulankan ay yeesheen Madaxweynaha Puntland iyo wafti ay hogaaminayeen wakiilka gaarka ah ee  IGAD ee arrimaha Soomaaliaya ayaa waxaa looga hadlay amniga guud ee Gobolka, xaaladaha Bina’aadannimo iyo siyaasada Soomalaiya.

Dhinca kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in maamulkiisu uu marwalba u taagan yahay sidii loo heli lahaa Dowladnimo Soomaaliyeed oo buuxda, kuna dhisan sinnaan iyo  caddaalad, iyo sidii Soomaaliya xaaladdeeda guud ee amni wax badan looga baddeli lahaa.

Sidoo kale wakiilka  gaarka ah IGAD u qaabbilsan arrimaha Soomaaliaya Dr; Mohamed Guyo iyo ku xigeenja arrimaha Siyaada Soomaaliya UNSOM Mr; Raisedon Zenenga, ayaa Puntland ku ammaanay doorka iyo kaalinta  siyaasadeed ee ay ka qaadatay nabada, xasilinta, is-dhexgalka iyo sidii loo abuuri lahaa jewi nabadeed oo soo Af-jara dhibaatadii dheereyd ee ay soo martay Soomaaliya.

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Dr; Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa Beesha caalamka uga mahad celiyey doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato wax ka qabashada arrimaha Soomaaliya  gaar ahaaan amniga iyo siyaasadda, wuxuuna sidoo kale kula dar daarmay  inay sii xoojiyaan  waddada loo marayo sidii Soomaaliya loogu toosin lahaa jidka nabadda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts