HomeCaalamkaSawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Magalada Asmara

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Magalada Asmara

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Asmara ku so dhoweeyay madaxweynaha Eritrea Assias Afwerki iyo mas’uuliyiin kale. Waddooyinka Asmara ayaa lagu xardhay calanka Soomaaliya, booqashada madaxweynaha iyo wafdigiisa darteed. Madaxweyne Farmaajo ayaa Saddex maalmood oo maanta ka bilaabaneysa […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Asmara ku so dhoweeyay madaxweynaha Eritrea Assias Afwerki iyo mas’uuliyiin kale.

- Advertisement -

Waddooyinka Asmara ayaa lagu xardhay calanka Soomaaliya, booqashada madaxweynaha iyo wafdigiisa darteed. Madaxweyne Farmaajo ayaa Saddex maalmood oo maanta ka bilaabaneysa joogi doona magaalada Asmara.

Boqollaal dad ah oo luxaya calammada labada dal iyo sawirka madaxweyne Farmaajo ayaa jooga hareeraha waddooyinka Asmara.

Labada madaxweyne waxa ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal, iskaashiga iyo xasilloonida gobolka.

- Advertisement -

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo Eritrea tan iyo markii uu dalkaasi madax bannaanidiisa ka qaatay Ethiopia sanadkii 1994-kii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories