Kadib markii xalay magalada Muqdisho ay kulan ku yeesheen gudiga amniga qaranka loogana hadlay arimaha amaanka wadooyinka xiran iyo sida looga gudbi karo caqabadaha jira ayaa waxa ka so baxay go,aamo waaweyn.
Golaha ayaa ku baaqay in dib loo eego gadiidka faraha badan ee ka howlgala magaalada Muqdisho ee iskugu jira Gaadiidka gaarka loo leeyahay Kan dadweynha qaada iyo Bajaajta oo aad usii kordhaysa.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya Aadan Isaaq oo akhriyay go,aanka ka soobaxay gudiga amniga qaranka ayaa sheegay in Wasaradaha Maaliyadda Amniga Ganacsiga iyo maamulka Gobalka Banaadir loo xilsaaray in ay dib u eegaan.
Sidoo kalana Gudiga ayaa waxa uu sheegay in wixii xiligaan ka bilawda 24-sac ay shaqeyn doonto Dekadda magalada Muqdisho si loo yareeyo baahiyaha dadka eek u aadan hour-marka dalka.
Halkaan Ka Dhagayso Codka Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Aadan Isaq