HomeWararSpain: Wiilkii Shandada “Suitcase boy” oo hooyadiisa la midoobay.

Spain: Wiilkii Shandada “Suitcase boy” oo hooyadiisa la midoobay.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wiil 8 jir ah oo bil ka hor laga dhex helay boorso nooca Dhoofayaasha qaataan ayaa waxa uu la midoobay hooyadiisa oo deggan dalka Spain. Wiilka oo u dhashay dalka Ivory Coast ayaa waxaa la qabtay xilli isagoo ku dhex jira shandada ka soo gudbi lahaa xuduudka Ceuta ee dalka Spain. Wiilka oo lagu magacaabo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wiil 8 jir ah oo bil ka hor laga dhex helay boorso nooca Dhoofayaasha qaataan ayaa waxa uu la midoobay hooyadiisa oo deggan dalka Spain.

Wiilka oo u dhashay dalka Ivory Coast ayaa waxaa la qabtay xilli isagoo ku dhex jira shandada ka soo gudbi lahaa xuduudka Ceuta ee dalka Spain.

- Advertisement -

Wiilka oo lagu magacaabo Adow waxa uu shalay  la midoobay hooyadiisa oo lagu magacaabo Luice Ouattara, taasi oo deggan Spain.

Aabihiisa oo lagu magacaabo Ali Quattara ayaa isagana damiin lagu sii daayey, kadib, markii la qabtay xilligii wiilkiisa sida qarsoodiga lagu soo gelin lahaa dalka Spain.

Aabaha ayaa la sheegay inuu Kooxaha Is-xambaarka siiyey lacag dhan €5,000, si ay ugu soo gudbiyaan dalka Spain.

- Advertisement -

Wargeyska El Pais ee ka soo baxa caasimadda dalka Spain ee Madrid ayaa qoray in Aabaha lagu soo daayey damiin lacageed oo dhan €5,000 si uu ula midoobo qoyskiisa.

Wargeyska kale ABC ayaa qoray inay Maxkamaddu amartay in aabahaasi laga sii daayo Xabsiga Algeciras, waxaana lagu amray inuu bishiiba hal mar Maxkamadda ka soo muuqdo, waxaana laga mamnuucay inuu dalka Spain ka dhoofo.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

 

 

WIILKII SHNADADAWIILKA SHANDADA IYO HOOYADIISA

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts