HomeWararRonald hooyadiisa oo lagu xayiray Garoonka Diyaaradaha ee Madrid.

Ronald hooyadiisa oo lagu xayiray Garoonka Diyaaradaha ee Madrid.

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Hooyadda dhashay Xiddiga K/cagta ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu joojiyey Garoonka Diyaaradaha ee Madrid, xilli ay ku sii jeeday dalkeeda hooyo ee Portugal. Maamada oo lagu magacaabo Dolores Aveiro ayaa la sheegay inay €55,000  ku wadatay Shandadeeda, iyadoo Dhoofayaasha ka ambabaxayo dalka Spain la oggol yahay inay qaadan karaan lacag caddaan ah oo dhan€10,000. Wargeyska […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hooyadda dhashay Xiddiga K/cagta ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu joojiyey Garoonka Diyaaradaha ee Madrid, xilli ay ku sii jeeday dalkeeda hooyo ee Portugal.

Maamada oo lagu magacaabo Dolores Aveiro ayaa la sheegay inay €55,000  ku wadatay Shandadeeda, iyadoo Dhoofayaasha ka ambabaxayo dalka Spain la oggol yahay inay qaadan karaan lacag caddaan ah oo dhan€10,000.

- Advertisement -

Wargeyska El Mundo ayaa qoray in Cristiano Ronaldo hooyadiisa oo 61 jir ah ay Ciiddanka Kastamka ee Garoonka ku qabteen, maadaama ay wadatay lacag ka badan tan Dhoofayaasha kala bixi karaan dalkaasi.

Saraakiisha ciiddanka Maddaniga ee dalka Spain waxay xayireen hooyadda Ciyaaryahanka, waxayna weydiiyeen halka ay ka keentay lacagta dhan €55,000.

Saraakiisha waxay hooyadda siiyeen lacag dhan  €10,000, si ay u sii wadato safarkeeda.

- Advertisement -

Waxay kaloo u sheegeen inay lacagta u harsan ee dhan €45,000 siin doonaan marka ay dib ugu soo laabato dalka Spain, waxaana laga codsaday inay keento qaabka ay ku heshay lacagtaasi.

Si kastaba ha ahaatee, hooyadda ayaa muteysan karta ganaax, si loo siiyo lacagta u harsan.

Inta badan Dhoofayaasha ka ambabaxa Garoonka Diyaaradaha The Adolfo Suárez-Madrid Barajas airport, waxay la kulmaan falkan oo kale, kadib, marka lagu qabto lacah ka baxsan xaddiga lacagta ee loo oggol yahay inay Dhoofayaasha kala baxaan Garoomadda Diyaaradaha ee dalka Spain.

Xigasho: thelocal.es

Waxaa Turjumay Ustaad Nuradin Abokor Ahmed.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts