HomeWararSawirro:-Ciidanka Amniga oo howlgal kusoo qabtay in ka badan 60 Mooto Bajaaj

Sawirro:-Ciidanka Amniga oo howlgal kusoo qabtay in ka badan 60 Mooto Bajaaj

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ciidamada xasilinta Caasimadda dalka ayaa xalay howlgal gaar ah waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka banaadir kaas oo lagu soo qabtay tiro Mooto Bajaaj ah. Howlgalka ayaa waxaa horkacayay guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo iyo saraakiil […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada xasilinta Caasimadda dalka ayaa xalay howlgal gaar ah waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka banaadir kaas oo lagu soo qabtay tiro Mooto Bajaaj ah.

Howlgalka ayaa waxaa horkacayay guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo iyo saraakiil kale,waxaana howlgalka lagu soo qabtay in ka badan 60 Mooto Bajaaj.

- Advertisement -

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in howlgalka Mootoyinka Bajaajta ah ee lagu soo qabtay ay ahaayeen kuwo taargo la’aan ah kuwaas oo looga shakiyey in ay qeyb ka yihiin amnidarrada ka jirta Muqdisho.

Waxa uu sheegay guddoomiye Tuulax in haatan baaritaano lagu sameynayo mootooyinkaas,isla markaana dhalinyarada wadata Mootoyinka aan taargada laheyn uu ugu baaqayo in ay soo qaataan.

Ugu dambeyn guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo ayaa isna waxa uu sheegay in howlgalladaan ay noqon doonaan kuwa sii socda ilaa amniga Muqdisho laga hagaajinayo.

- Advertisement -

Sikastaba howlgalka mootooyinka lagu soo qabtay ee xalay laga sameeyey Muqdisho ayaa ah kii ugu horeeyey ee la sameeyo,waxa uuna kusoo aadayaa xilli habeeno ka hor ra’iisul Wasaare Kheyre uu sheegay in amniga Muqdisho lagula xisaabtami doono guddoomiyaasha degmooyinka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts