HomeWararSawirro:-Duqa Muqdisho oo la kulmay Safiirada Wadamada Islaamka u fadhiya Soomaaliya

Sawirro:-Duqa Muqdisho oo la kulmay Safiirada Wadamada Islaamka u fadhiya Soomaaliya

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) oo caawa afur sharafeed u sameeyey Danjireyaasha dalalka Islaamka u fadhiya Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sharaxaad ka siiyey Danjireyaasha qorshaha Maamulkiisa iyo wax-yaabaha uu hiigsanayo, si loo gaaro xasillooni iyo dib-u-dhiska […]

- Advertisement -

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) oo caawa afur sharafeed u sameeyey Danjireyaasha dalalka Islaamka u fadhiya Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sharaxaad ka siiyey Danjireyaasha qorshaha Maamulkiisa iyo wax-yaabaha uu hiigsanayo, si loo gaaro xasillooni iyo dib-u-dhiska Caasimadda, isagoo intaas ku daray in waqtigan muhiimka loo baahan yahay taageero walaaltinimo si Caasimaddu ay ula soo noqoto kaalintii ay ku lahayd Caasimadaha kale ee Caalamka.

- Advertisement -

Duqa Caasimadda oo kulanka ay ku weheliyeen Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Amniga Qaranka, Hay’adaha OIC iyo Islamic Relief iyo qaar kamid ah Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa Danjirayaasha ku ammaanay doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaateen gacan siinta shacabka, waxayna tilmaameen muhiimadda ay leedahay in lasii xoojiyo wadashaqeynta iyo garab istaagga bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Eng. Yarisow waxuu sheegay in ujeedka kulankani uu yahay mahadcelin loo sameynayo Safiirrada dalalka Islaamka oo door muhiim ah ay wadamadoodu ka qaatay taageerada shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin, gaar ahaan dhinacyada amniga, Banii’adamniada iyo horumarinta Caasimadda.

Danjireyaasha dalalka Islaamka u fadhiya Soomaaliya ayaa ku ammaanay Duqa Muqdisho isbedellada horumarineed iyo nabadgelyo ee uu ka hirgeliyey Caasimadda mudadii uu xilka hayey iyo sidoo kale dardar-gelinta dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee xawliga ku soconaya.

- Advertisement -

Latest stories