Haweeney u dhalatay dalka Maraykanka oo 92-jir ayaa la sheegay inay ka qeyb gashay Tartan Orod ah oo lagu qabtay magaalladda San Diego.
Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Harriette Thompson oo 92-sanno ayaa la sheegay inay ka qeyb gashay  Orodka Rock n Roll Marathon, isla markaana ay orodkeeda ku dhamaysatay waqti dhan 7 saacadood, 24 daqiiqada iyo 36 seken.
Markii ay orodka dhamaysatay ayaa waxaa ku soo xoomay dad fara badan oo u hambalyeeyey.
Harriette Thompson oo deggan Charlotte ee Gobalka North Carolina waxa uu odaygeeda geeriyooday sannadkii hore.
Waxaa Turjumay Ustaad Nuradin Abokor Ahmed