HomeWararGuddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Khudbad Muhiim ah Ka Jeediyay Shirweyne Carbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Khudbad Muhiim ah Ka Jeediyay Shirweyne Carbeed

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Shirweynaha Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Carabta oo maalintii labaad ka socda magaalada Algiers, caasimadda dalka Algeria. Khudbadda Guddoomiyaha ayaa diiradda saartay arrimo muhiim u ah gobolka Carabta, iyadoo uu si gaar ah u xusay qadiyadda […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Shirweynaha Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Carabta oo maalintii labaad ka socda magaalada Algiers, caasimadda dalka Algeria.

Khudbadda Guddoomiyaha ayaa diiradda saartay arrimo muhiim u ah gobolka Carabta, iyadoo uu si gaar ah u xusay qadiyadda Falastiin, xaaladda dalka Suudaan, iyo muhiimadda iskaashiga dalalka Carabta.

- Advertisement -

Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa khudbaddiisa ku bilaabay mahadcelin uu u jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Algeria, Mudane Ibrahim Boughali, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaannada Carabta, iyo dowladda Algeria martigelisay shirkan muhiimka ah.

Isagoo ka hadlayay qadiyadda Falastiin, Guddoomiye Aadan Madoobe wuxuu carabka ku adkeeyay baahida degdegga ah ee loo qabo in si dhab ah, go’naansho leh, oo midaysan looga hadlo arrinta Falastiin, si loogu garab istaago shacabka Falastiiniyiinta. Wuxuu xusay in Soomaaliya si buuxda u taageersan tahay in la helo dowlad madax-bannaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin, caasimaddeeduna ay tahay Qudus.

Guddoomiyuhu sidoo kale wuxuu si kooban u dul istaagay xaaladda cakiran ee ka jirta dalka Suudaan, isagoo ku baaqay in aan lagu degdegin faragelin dibadeed, si loo ilaaliyo madaxbannaanida dalkaasi iyo danaha shacabka Suudaan.

- Advertisement -

Ugu dambeyn, Mudane Sheekh Aadan Madoobe wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo midnimada Baarlamaannada Carabta, si loo xaqiijiyo himilooyinka horumarineed ee guud ahaan waddamada Carabta. Wuxuu ugu baaqay madaxda kale ee ka qeybgalaya shirkan in ay si dhab ah u dhaqan geliyaan qodobada kasoo baxa shirweynaha, si looga dhabeeyo yoolalka ay wadaagaan shucuubta Carbeed.

Latest stories