HomeWararGuddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Khudbad Muhiim ah Ka Jeediyay Shirweyne Carbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Khudbad Muhiim ah Ka Jeediyay Shirweyne Carbeed

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Shirweynaha Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Carabta oo maalintii labaad ka socda magaalada Algiers, caasimadda dalka Algeria. Khudbadda Guddoomiyaha ayaa diiradda saartay arrimo muhiim u ah gobolka Carabta, iyadoo uu si gaar ah u xusay qadiyadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Shirweynaha Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Carabta oo maalintii labaad ka socda magaalada Algiers, caasimadda dalka Algeria.

Khudbadda Guddoomiyaha ayaa diiradda saartay arrimo muhiim u ah gobolka Carabta, iyadoo uu si gaar ah u xusay qadiyadda Falastiin, xaaladda dalka Suudaan, iyo muhiimadda iskaashiga dalalka Carabta.

- Advertisement -

Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa khudbaddiisa ku bilaabay mahadcelin uu u jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Algeria, Mudane Ibrahim Boughali, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaannada Carabta, iyo dowladda Algeria martigelisay shirkan muhiimka ah.

Isagoo ka hadlayay qadiyadda Falastiin, Guddoomiye Aadan Madoobe wuxuu carabka ku adkeeyay baahida degdegga ah ee loo qabo in si dhab ah, go’naansho leh, oo midaysan looga hadlo arrinta Falastiin, si loogu garab istaago shacabka Falastiiniyiinta. Wuxuu xusay in Soomaaliya si buuxda u taageersan tahay in la helo dowlad madax-bannaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin, caasimaddeeduna ay tahay Qudus.

Guddoomiyuhu sidoo kale wuxuu si kooban u dul istaagay xaaladda cakiran ee ka jirta dalka Suudaan, isagoo ku baaqay in aan lagu degdegin faragelin dibadeed, si loo ilaaliyo madaxbannaanida dalkaasi iyo danaha shacabka Suudaan.

- Advertisement -

Ugu dambeyn, Mudane Sheekh Aadan Madoobe wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo midnimada Baarlamaannada Carabta, si loo xaqiijiyo himilooyinka horumarineed ee guud ahaan waddamada Carabta. Wuxuu ugu baaqay madaxda kale ee ka qeybgalaya shirkan in ay si dhab ah u dhaqan geliyaan qodobada kasoo baxa shirweynaha, si looga dhabeeyo yoolalka ay wadaagaan shucuubta Carbeed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts