HomeWararXildhibaano Ka Tirsan Golaha Shacabka oo Laga Reebay Fadhiyada Baarlamaanka

Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Shacabka oo Laga Reebay Fadhiyada Baarlamaanka

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay go’aan xasaasi ah oo lagu mamnuucayo qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka inay ka qeybgalaan fadhiyada Baarlamaanka, sababo la xiriira arrimo amni oo soo kordhay. Go’aankan oo lagu faahfaahiyay waraaq rasmi ah […]

- Advertisement -

Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay go’aan xasaasi ah oo lagu mamnuucayo qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka inay ka qeybgalaan fadhiyada Baarlamaanka, sababo la xiriira arrimo amni oo soo kordhay.

Go’aankan oo lagu faahfaahiyay waraaq rasmi ah oo kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha, ayaa si gaar ah u xusay in xubnaha la mamnuucay magacyadooda lagu lifaaqay qoraalka, waxaana lagu wargeliyay in aysan ka soo muuqan karin fadhiyada Golaha ilaa amar dambe. Inkasta oo aan si cad loo shaacin tirada ama magacyada xubnaha laga reebay fadhiyada, haddana ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa sheegaya in arrintani ay tahay mid la xiriirta xaalado gaar ah oo la tixgelinayo.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in go’aankan uu ka dhashay qiimeyn amni oo qoto dheer oo lagu sameeyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan deegaanka Villa Hargeysa iyo agagaarkeeda, halkaas oo ah xarunta rasmiga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale lagu wargeliyay Guddiga Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka in ay soo gudbiyaan talooyin sharci ah iyo talaabooyin habboon oo lagu saleyn karo Xeer-hoosaadka Golaha, si loo xaqiijiyo in geeddi-socodka Baarlamaanka uusan u xannibmin xaalado amni, balse loo wajahayo si sharci iyo hannaan dowladeed leh.

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah u muujiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadgelyada xildhibaanada Golaha Shacabka iyo dhammaan shaqaalaha Baarlamaanka. Wuxuu sidoo kale xusay in tallaabooyinkan aysan ahayn kuwo siyaasadeysan, balse ay yihiin kuwo looga gol leeyahay ilaalinta shaqada Golaha iyo badbaadinta xubnaha u adeega shacabka Soomaaliyeed.

Latest stories