Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee lagu waday inuu ka furmo magaalada Muqdisho inta u dhaxaysa 1-da ilaa 2-da bisha Maajo 2025, ayaa si rasmi ah dib loo dhigay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Shirkan oo ahaa mid si weyn loo sugayay, ayaa la qorsheynayay in lagu falanqeeyo arrimo muhiim u ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, oo ay kamid yihiin dib-u-eegista Dastuurka Kumeelgaarka ah, amniga qaranka, iyo hannaanka doorashooyinka dalka.
War-saxaafadeedka kasoo baxay Xukuumadda ayaa lagu sheegay in wadatashi kadib ay madaxda dowladda Federaalka go’aamiyeen in shirka dib loogu dhigo 5-ta Maajo, oo ku beegan maalinta Isniinta ee soo socota. Si rasmi ah looma shaacin sababta rasmiga ah ee keentay dib-u-dhaca shirka.
“Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo si rasmi ah uga furmi lahaa magaalada Muqdisho maalinta berri ah, ayaa dib loo dhigay kadib wadatashi ay yeesheen madaxda qaranka. Waxaa lagu heshiiyay in shirka lagu qabto maalinta Isniinta ee 5-ta bisha Maajo 2025,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa horey ugu baaqay qabsoomidda shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo la filayo inay kasoo qeybgalaan madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa horey loo ogaa in madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland aysan ka qeybgeli doonin shirka, iyadoo khilaaf siyaasadeed uu wali kala dhexeeyo dowladda Federaalka. Waxaa sidoo kale markii ugu horreysay lagu casuumay maamulka SSC-Khaatumo, taas oo calaamad u ah isbeddelka muuqda ee qaabka wadatashiga heer qaran.
