HomeBilan Media SomaliXUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE GABDHAHA KU JIRA ICT-da.

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE GABDHAHA KU JIRA ICT-da.

Date:

Related stories

Women in Somalia’s Police Force: Expanding Roles in Security and Recovery.

“Communities often show encouragement and support when they see women serving in the police. This has motivated many young women to consider joining the force.”

Somalia’s State Minister Responds to Trump’s Harsh Remarks in Diplomatic Rebuttal

“For some people, it has become very easy to use Somalia as an excuse or to hide their own failures. This narrative is not only false, but it is also an insult to our resilience and our sacrifice. We must show unity, protect our dignity, and prove to the world that we are not something to be used or manipulated at someone’s convenience.”

The Unmuted Mic: How a Newsroom of Women is Rewriting Somalia’s Story

Take the global 16 Days of Activism against Gender-Based Violence. Much of the world covers it through numbers and headlines. At Bilan, we go further. We ask: What does justice look like for a woman whose nearest court is days away? How does a “women empowerment” program fail when she cannot even travel safely to the market? Who are the unsung community leaders—women and men—quietly mediating disputes to prevent violence before it starts? These layers only emerge when the journalist understands the culture, the sensitivities, and the stakes.

Inside Weydow’s Struggle: How Online Gambling Is Tearing Families Apart on the Outskirts of Mogadishu

On the outskirts of Mogadishu, in the displacement camps of Weydow, families already battling food shortages and unsafe housing are now grappling with a new threat — one that is creeping into homes and draining what little they have left: online gambling through the 1XBET platform.

Somalia’s Seafood Paradox: Abundance Without Appetite

Fish consumption in Somalia is rising, especially in Mogadishu’s bustling markets. Despite growing supply and awareness, many households still avoid fish due to old habits, myths, and cultural taboos.

Waxa magaaladda Muqdisho lagu qabtay xuska maalinta caalamiga ah ee la bogaadinayo in ay bartaan kuna shaqeeyaan gabdhahu culuumta Science, Tiknoolojiyada, Ingineerinka iyo Xiisaabta. kulanka ayaa waxaa soo qababn qaabisay Hay’adda Isgaarsiinta Qarranka. Mustaf Yaasiin, oo ah Maareeyaha hay’adda Isgaarsiinta oo ka hadlay kulankan ayaa xusay dhinacyada ay haweena ku jira STEM ka kala kulmaan […]

- Advertisement -

Waxa magaaladda Muqdisho lagu qabtay xuska maalinta caalamiga ah ee la bogaadinayo in ay bartaan kuna shaqeeyaan gabdhahu culuumta Science, Tiknoolojiyada, Ingineerinka iyo Xiisaabta. kulanka ayaa waxaa soo qababn qaabisay Hay’adda Isgaarsiinta Qarranka.

Mustaf Yaasiin, oo ah Maareeyaha hay’adda Isgaarsiinta oo ka hadlay kulankan ayaa xusay dhinacyada ay haweena ku jira STEM ka kala kulmaan caqabadah.

- Advertisement -

“Sababaha keeni kara ku yaraashaha haweenka waxaa ka mid ah, gabdhaha waxaa ku yar dumarka xirfadaan bartay ee horumar ka sameeyay oo ay ku dayan karaan, marka loo barbardhigo wiilasha. Waxaa muhiim ah in la sameeyo siyaasado gaar ah oo dhiirigeliya ka qeyb-qaadashada gabdhaha ee dhinaca tiknoolojiyadda iyo farsamada casriga ah.” Ayuu yiri Maareeyaha hay’adda Isgaarsiinta Qarranka.

Ku dhawaad toban gabdhood oo barta culuumta ICT-da ayaa madasha kusoo bandhigay mashaariic ay saameeyeen, waxaa ka mid ah Caasho Cabdi Xaaji.

Iyada oo sharraxaysa mashruuceeda iyo sida uu caawinayo gabdhaha ayaa ay tiri, “Website-ka aan sameeyay waxaa waxa aan ugu talo galay gabdhaha si aan u xalino caqabadaha ay ka wajahayaan waxbarashada. Sanduuq wadda-sheekeysi ah ayaan u sameeyay oo ay la sheekeesan kara, dhiirigalinaya, su’aasha ay rabtana wayddiin karto.”

- Advertisement -

Lionel Laurens, oo ah Wakiilka Joogtada ah ee UNDP Soomaaliya, ayaa sheegay in si loo xaliya caqabadaha ay haweenku ka wajahaan dhanka barashada iyo ku shaqeynta Science, Tiknoolojiyada, Ingineerinka iyo Xiisaabta loo baahan yahay in la iska kaashado.

“Sidaan ognahay isbeddelka dhabta ah waxa uu dhacaa markii ay dowladda, bulshada, iyo dhallinyarada ay u wadda shaqeeyaan si wadajir ah, si loo toosiyo hab dhaqanka, hab fikirka bulshada loona maal-geliyo mustaqbalka gabdhaha,” Ayuu yiri Laurens Wakiilka UNDP ee Soomaaliya.

Waxa uu sii raaciyay, “sidaas daraateed aan u shaqeyno si wadda jir ah si aan u hubino in gabar kasta oo Soomaaliyeed ay galaangal ugu yeelan karto, una hogaamin karto dhijitaalka dunida. Ma ahan kaliya in taasi ay caawineyso mustaqbalkeeda ee xittaa tan dalka ayey u wanaagsan tahay.”

Maxamed Aadan Cali, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda oo soo xiray kulanka ayaa bogaadisyay gabdhaha soo bandhiyay mashaariicda xalka u noqon kara mushkiladaha tiknoolojiyadeed ee ka jira dalka.

“Gabar walba oo halkaan timi baahi jiirta ayaa ay xalineysay oo si dhijitaal ah u xalineysa” ayuu yiri Maxamed Aadan.

In kasta oo aysan jirin deddaallo xoogan oo wax looga caqabanayo cabaqadaha dumarka ka haysta barashada iyo ku shaqeynta culuumta STEM-ka, haddana in sanadkii 2019-kii manhajka dugsiyada dalka lagu daro maadada tiknoolijiyadda, khubarada waxbarashada ayaa u arka billow ay gabdhaha yar yar kaga faaiidaysan karaan barashada culuumtan.

Wariye Sadia Nor, Bilan Media

 

 

 

 

 

Latest stories