HomeWararSoomaaliya oo Ka Mid Noqotay Dalalka Ugu Awoodda Militari Liita Adduunka

Soomaaliya oo Ka Mid Noqotay Dalalka Ugu Awoodda Militari Liita Adduunka

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Soomaaliya ayaa gashay kaalinta 142-aad ee awoodda militariga adduunka, iyadoo ka mid noqotay dalalka ugu hooseeya qiimeynta sannadlaha ah ee Global Firepower Index 2025, taasoo lagu falanqeeyay awoodda ciidan ee 145 waddan. Dalka ayaa helay dhibcaha 4.2037, taasoo ka dhigan in uu ka sarreeyo saddex kaliya: Bhutan, Benin, iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika. Qiimeyntan oo lagu […]

- Advertisement -

Soomaaliya ayaa gashay kaalinta 142-aad ee awoodda militariga adduunka, iyadoo ka mid noqotay dalalka ugu hooseeya qiimeynta sannadlaha ah ee Global Firepower Index 2025, taasoo lagu falanqeeyay awoodda ciidan ee 145 waddan. Dalka ayaa helay dhibcaha 4.2037, taasoo ka dhigan in uu ka sarreeyo saddex kaliya: Bhutan, Benin, iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Qiimeyntan oo lagu saleeyay in ka badan 60 qodob — sida tirada ciidamada, tayada qalabka, miisaaniyadda difaaca, awoodda saadka, juqraafiyadda iyo kheyraadka dabiiciga ah — ayaa muujisay in Soomaaliya wali la daalaa dhacdo dhanka dhismaha awood milatari oo la jaanqaadi karta dalalka kale ee gobolka.

- Advertisement -

Inkasta oo Maraykanka, Midowga Yurub, Turkiga iyo UK ay tababar iyo maalgelin siiyeen Soomaaliya, hadana horumarka ciidamada ayaa si weyn u xanniban sababo la xiriira khilaafaad siyaasadeed oo gudaha ah iyo istaraatiijiyad amni oo aan mideysneyn.

Soomaaliya ayaa wali wajahaysa caqabado adag oo ay ka mid yihiin miisaaniyad aad u xaddidan, kala fogaanshaha dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, iyo qalab yari curyaaminaya hawlgallada militari ee joogtada ah.

Itoobiya oo ah deriska Soomaaliya ayaa kaga jirta kaalinta 52-aad caalamka, iyadoo leh ciidamo tiro badan oo si fiican u qalabeysan. Kenya ayaa ku jirta kaalinta 83-aad, halka Jabuuti, inkastoo aan la qiimeyn sannadkan, ay leedahay muhiimad istiraatiiji ah oo ay u leedahay marin-biyoodka Bab el-Mandeb, iyadoo martigelisa saldhigyo ciidan oo Maraykanku, Shiinuhu iyo Faransiisku leeyihiin.

- Advertisement -

Shanta waddan ee ugu ciidan adag Afrika waa Masar, Aljeeriya, Nigeria, Koonfur Afrika, iyo Itoobiya. Caalamka waxaa hogaaminaya Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Hindiya, iyo Koonfur Kuuriya.

Khubarada amniga ayaa tilmaamay in kaalinta hoose ee Soomaaliya ay tahay digniin muujinaysa baahida loo qabo in dib u habeyn dhameystiran lagu sameeyo ciidamada dalka, si loo dhiso ciidan qaran oo mideysan, loo helo miisaaniyad joogto ah, iyo in la sameeyo hoggaan ciidan oo isku xiran.

Dadaallada lagu mideynayo ciidamada dowladda dhexe iyo kuwa dowlad-goboleedyada ayaa marar badan hakad galay, iyadoo khilaaf siyaasadeed oo qoto dheer uu hor taagan yahay sidii loo heli lahaa ciidan qaran oo awood u leh difaaca dalka.

Warbixin uu soo saaray Machadka ACCORD sanadkii 2022 ayaa uga digtay Soomaaliya in ay sii ku tiirsanaato gacan-shisheeye haddii aysan degdeg u sameyn dib-u-habeyn amniga ah oo qaranimo salka ku haya.

Waxaa lagu soo gabagabeeyay in taageerada caalamiga ah ee hadda jirta aysan wax badan ka tari doonin haddii aan la helin hannaan dawladeed oo mideysan, iyo ciidan si rasmi ah u shaqeeya oo leh qalab, qorshe iyo hoggaan cad.

Latest stories