HomeWararWeerar Qaraxyo Wata oo Al-Shabaab ka Fulisay Aadan Yabaal

Weerar Qaraxyo Wata oo Al-Shabaab ka Fulisay Aadan Yabaal

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Aadan Yabaal, Shabeellaha Dhexe – Warar kala duwan ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo culus ku billowday oo kooxda Al-Shabaab ay saaka ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ku sugan degmada Aadan Yabaal, iyadoo dagaal toos ah uu weli ka socdo magaalada. Sida ay sheegeen ilo-wareedyo maxalli ah oo la hadlay […]

- Advertisement -

Aadan Yabaal, Shabeellaha Dhexe – Warar kala duwan ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo culus ku billowday oo kooxda Al-Shabaab ay saaka ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ku sugan degmada Aadan Yabaal, iyadoo dagaal toos ah uu weli ka socdo magaalada.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo maxalli ah oo la hadlay Dalsan, dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerarka ku qaaday saddex jiho, halkaas oo ay ku beegsadeen xarumaha ciidamada. Weerarka qaraxyada kadib ayaa la galay dagaal fool-ka-fool ah oo xooggan, kaas oo si ba’an uga socda gudaha degmada.

- Advertisement -

Goobjoogayaal ayaa tilmaamay in weerarka uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo tirada saxda ah aan weli la xaqiijin karin sababo la xiriira xaaladda amni ee cakiran.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu ku fiday qaybo badan oo degmada ah, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay iska caabin xooggan ka wadaan aagga la beegsaday, iyagoo isku dayaya in ay ka hortagaan in Al-Shabaab ay qabsato xarumaha dowladda.

Ilaa iyo hadda, dowladda federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin weerarka, iyadoo la filayo in faahfaahin rasmi ah laga bixiyo marka xaaladda dagaalku degto.

- Advertisement -

Weerarkan ayaa imaanaya xilli kooxda Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay ka geysanayso deegaannada ku yaalla bartamaha Soomaaliya, iyagoo isku dayaya in ay carqaladeeyaan dadaallada dowladda ee amniga iyo xasilloonida. Aadan Yabaal, oo ah deegaan muhiim ah oo istaraatiiji ah, ayaa horey dhowr jeer uga dhacay dagaallo culus oo u dhexeeyay labada dhinac.

Latest stories